Xukuumadda Somaliland oo Digniin u Dirtay Dalalka Jaarka iyo Ururrada Caalamiga ah

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dawladdaha jaarka iyo ururrada caalamiga ah uga digtay inay taageeraan, isla markaana gacan siiyaan abaabulka shirar ka dhan ah qaranida iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Somaliland.

Si faahfaahsan xukuumaddu ugama hadal cidda shirarka abaabulaysa, halka lagu qabanayo iyo magacyada dalalka looga shakisan yahay inay gacan-saar siinayaan cidda dabada ka wada shirarka xukuumaddu ka digtay.

Hasayeeshee, warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa dalalka jaarka iyo hay’adaha caalamiga ah loogu baaqay inay ixtiraamaan sohdimaha iyo qaranimada Somaliland, iyadoo aan warsaxaafadeedka lagu iftiimin sababta keentay in digniintani ka soo baxdo wasaaradda khaarajiga.

“Xukuumadda Somaliland, waxay ka codsanaysaa dawladaha jaarka iyo ururrada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacan-siinta abaabulka shirar ka dhan ah qaranimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Somaliland, ixtiraamaan sohdimaha caalamiga ah iyo qaranimada Somaliland, si ay Somaliland-ba u ixtiraamto, una aqoonsan tahay sohdimaha caalamiga ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka madmadawga badan ku jiro ee ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland.

Waxa kale oo xukuumaddu caddaysay inay aqoonsan tahay, kuna dhaqanto axdiyada Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta dawliga ah, sidaas darteedna aanay marna ogolaan doonin in lagu xad-gudbo sohdimaha ay la wadaagto dalalka jaarka.

“Qoddobka 10aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu qeexayaa in Somaliland tahay dal aqoonsan, kuna dhaqanta axdiyada Qaramada Midoobay iyo qaannuunka dawliga ah. Waxayna tahay dal aaminsan in khilaafaadka dawliga ah lagu xalliyo dariiqa nabadeed iyo wadahadal. waxayna aaminsan tahay dhawrista sohdimaha dalalka kale.

Sidaa darteed, Somaliland marna ogolaan mayso in lagu soo xad-gudbo sohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo nabad-diid ahi ay ku andacoodaan inay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan ogolaansho looga haysan xukuumadda Somaliland. Mana dhicin, mana dhacayso in cid kale ay caddaadis ku saarto joojinta dhaqdhaqaaqa maamul-fidinta iyo sugida nabadgelyadda shacabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.