Xanaanaynta Argagixisada iyo gacan ku dhiiglayaasha

Bismilaah; marka hore waxaan salaamayaa dhamaan war baahinta madaxa banaan ee ka hawlgasha gudaha iyo debeda Somaliland, intaas kadib, maxaa loo daryeelayaa dadka gacan ku dhiiglayaasha ah ee laayay dad badan oo aan waxba galabsan?. Dadkaas oo maalin walba ehelkoodu tagan yahay maxkamadaha Somaliland kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah dil lagu xukumay hadana dilkaasi aanu fulin, hadaanay xukuumadu dilka fulinayn maxaa loo xukumayaa in ladilo?.

Xaamud
Gacan ku dhiiglaha oo jeelka layskaga hayaa waxay keenaysaa ama badinaysaa sida iminkaba socota in la dilo qof aan waxba galabsan oo ka soo jeeda qayskan wax dilay taas oo mujtamaca oo dhan dhibaato ku abuuraysa keenaysana waxa la yidhaahdo AANO, markaa waxaabad moodaa in xukuumadu dhiiri galinayso in AANO wax lagu dilo, maxaa yeelay kuwii wax dilay waatan jeelasha lagu daryeelayo ee lagu xanaanaynayo, qoyskii qofku ka dhintayna ay iska raacday qofkoodii oo maqan iyo dhaqaalahoodii oo laga furtay, taas oo maxkamaduhu ay ka furayanaan sida marba loo soo noq noqonayo.
Markaa waa in xukuumadu fulisaa dilalka badheedh ka ah ee la hayo, ee waliba maxkamadaha dalku ku xukumeen dilka toogashada ah, taasi waxay quluubta u xaadhaysaa dhamaan bulshadii kala cabanaysay, waxaanay meesha ka saaraysaa in la dilo qof aan waxba lagu lahayn, taas oo keeni karta amaan darro.
Waayo dadka qaar waxay jeelasha u yaqaanaan ALBEERKO oo waayo qofkii halkaas ayaa layskaga haynayaa ilaa inta wuxuun si noqonayaan,halkaas ayaa wax walba loogu keenayaa, waydinkaa arkayaa waxa ka dhacay jeelka wayn ee Hargaysa in xitaa BASTOOLADU loogu geeyey jeelka minankii argagixisada ahaa ee ay mamnuuca ahayn in waxba debeda looga keeno, waad arkaysaan debecsanaanta ka muuqata jeelasha ugu khatarta badan ee waliba aadka loo ilaaliyo waxa shalay ka dhacay. Ninka argagixisada u xidhan sidee loogu keenaa wax debeda laga keenay, waa in jeelka gudihiisa loogu kariyaa waxay kunayaan waayo maaha rag la aamini karo.
Guud ahaan xukuumada waxaan u kula talinayaa in dadka reer Somaliland ee qudh gooyooyinka kala dhex fadhiyaan in quluubtooda laysu xaadho waa hadii horumar la doonayo e, oo gacan ku dhiiglayaasha jeelasha ka buuxa ee uu ku dhacay xukun dil ahi waa in la dilaa oo la waafajiyaa shareecada islaamka, dadwaynaha reer Somaliland na waxaad u soo jeedin lahaa in meesha laga saaro waxa la yidhaahdo AANO, maxaa yeelay qof aanad waxba ku lahayn oo aad dishaa waxay keenaysaa cadho ilaahay iyo ciqaabkiisa oo inagu dhaca, waa in xukuumada cadaadis xoogan lagu saaraa sidii looga takhalusi lahaa dhamaan gacan ku dhiiglayaasha dilka ku xukuman ee buux dhaafiyay jeelasha Somaliland.
 
Waad Mahadsantihiin
Allaa Mahad Leh
By: Mohamed Hamud Ali
Hamudson@Gmail.Com