Xeer ilaalinta Somaliland oo ka hadashay Xadhigga Haatuf, Kiiska loo haysto iyo jaranjarada uu soo maray

Hargeysa (Berberanews)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee  Gobolka Maroodi-jeex Mr. Axmed Cismaan Mire, ayaa sheegay in masuuliyiinta Wargeyska Haatuf diideen yeedhmo Maxkamadda Gobolka Hargeysa uga timi oo lagu amrayey in ay is difacaan, caddaymana u keenaan qoraalo wargeyska ay ku qoreen oo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ka baahiyeen.

Xeer-ilaaliye Axmed Cismaan Mire oo magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay maanta, waxa uu tilmaamay in masuuliyiinta wargeyska Haatuf ku gacansaydheen in ciidamada dambi-baadhistu baadhis ku sameeyaan, balse ay diideen.

“Waxa ay ku soo edeeyeen fal-dambiyeed lid ku ah amniga sida qoddobka 215 oo ku sal lahaa kicin iyo kala gayn  iyo qoddobka 328 oo isna ah xeerka ciqaabta iyo fidin war been abuur ah oo kicinayey dadwaynaha iyo wada jirka shacabka, markii ay taasi dhacday boolisku waxa ay soo dalbadeen sida xeerka saxaafadda Somaliland uu dhigayo in guddoomiyaha xafiiska iyo Tafatiraha wargayska lagu amro in baadhistaas lagu wado wargayska ay  ogoladaan, arrintaasna masuuliyiinta Haatuf  way diideen, waxa ay wax ka sheegeen dambigoodii oo socda, waana ay diideen in ay booliska isku dhiibaan, iyagoo xor ah, sidaas ayaa uu booliska ku soo dalbaday, una bandhigay maxkamadda falkaasi uu ku kacay wargaysku,  taasaana sababtay in maxkamaddu soo saarto amaro,”  ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Gobolka Hargeysa.

Xeer-ilaaliyaha-Gobolka-Hargeysa-400x300

Xeer-ilaaliye Axmed Cismaan Mire, waxa uu xusay in sharciga loo siman yahay, sidaas darteedna wargeyska Haatuf loo xayiray kadib markii eedaymahooda iska difaaci waayeen,  isla markaana iska dhego mariyeen inay maxkamadana hor tagaan, waxaannu yidhi; “Markii hore waxa ay ahayd in ay booliska u tagaan oo ay ka jawaabaan eedaha loo soo jeediyey waana ay soo diideen si cad oo badheedh ah, markii labaad waa ay sii siyaaday beenta ay ku fidinayeen qaybta website-ka,  markay intaas oo dhan diideen ayaa maxkamadda laga dalbaday in ay xayirto wargayskaas Haatuf, tallaabo kasta oo aannu qaadnay waxaannu ku salaynay qoddobada iyo xeerka dalka u yaal.

Maxkamadda magaalada Hargaysana waxa ay soo saartay amarka xayiraadda wargayska Haatuf, markii labaadna waa ay joogsan waayeen, waxaana ay u wareegeen xaga mareegta uu Haatuf leeyahay oo wixii iyo wax ka daran ku qoreen, sharciguna nin walba wuu qabtaa oo sharciga waa loo wada siman yahay,  xeerka saxaafaduna waxa kasta qora muu odhan, laakiin wax waliba shuruud ayey leeyihiin.”

Xeer-ilaaliyuhu waxa uu tilmaamay in loo qoray waraaqaha yeedhmada masuuliyiinta Haatuf oo uu ku sheegay inay yihiin rag dalka u soo halgamay, balse aan sharciga ka sarrayn. “Saxaafaddu in waxa ay doonaan iska qoraan uma bannaana nin waxa uu sheeganayo ma ahaanayo haddii nin waliba nabadgalyo darro abuuro, nin walibana waxa uu doono iska dhuro looma baahna dadku waa in ay garanayaan qanuunkooda, dadku waa in ay garanayaan waajibaadka dalka ka saaran,  waa muwaadiniin ragga sidaas samaynaya, waana nin la garanayo, waana ragga dalka u soo halgamay, mana ah in ay war yar oo sumaysan ay ku baabiiyaan nabadgelyadda oo mushkilad ku abuuraan, sidaa daraadeed saddexdaas qoraal ee halkaasi yaala waa saddexdii loogu yeedhay, mid waa kii loogu yeedhay ee ay iska diideen, macaa waxan aad sheegaysaa haddii ay runta tahay sheeg oo is difaaca, kan labaadna waa kii lagu joojiyey shaqada, wargayska laguna xayiray markii ay diideen, kan saddexaana waa kii ay maxkamaddu soo saartay markii loo cuskaday asbaab xeer waafaqsan markii ay cayda iyo been abuurka u beddeshay xagga mareegta Haatuf ku leedahay internet-ka.”

Xeer-ilaaliye Axmed Cismaan Mire waxa uu asxaabta mucaaridka ugu baaqay in qareenadooda ay soo kaxaystaan, difaacana wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintooda, waxaannu yidh; “Waxaan la yaabaa rag badan oo waddanka xil ka doonaya sida xisbiyada mucaaradka ah arrin walba cid ayaa xogogaal u ah oo gacanta ku haysa si masuuliyadi ku jirto. Nuxurka iyo gunnaanadku waxa weeyaan galkii ayaanu haynaa, maxkamadda ayaanu arrinta u bandhigaynaa, waa muwaadiniin, kamana reebna dambiyada ciqaabta guud ah ee waxaannu leenahay ha ka soo qaybgalaan iyagoo wata looyaradooda maxkamadda, ninkii xoola ceshanayoow waar ka soo qaybgala maxkamadda ayaannu leenahay.”