Dawladaha khiliijka Oo Ku Tartamaya Daaraha Ugu Dhaadheer Dunida Iyo Sucuudiga Oo Bilaabaya Dabaqii Ugu Dheeraa Dunida+ Sawiro

Dalalka Khaliijka Carabta ayaan weli ka daalin ku tartanka dabaqyada iyo guryaha aadka u dhaadheer. Sucuudiga ayaa maalinta taartiikhdu tahay 27 Abril 2014 bilaabaya dhismaha guriga ugu dheeraan doona adduunka kaas oo dherarka dhanka cirka gaadhaya 1km ama 1000mitir sida uu qoray Construction Weekly.

 

Gurigan oo dhism3-aerial-viewihiisu socon doono muddo shan sannadood  ah ayaa dhaqaalaha ku baxaaya waxa uu gaadhayaa in ka badan 1.2Bilyan oo dollarka Maraykana ah, Waxaana laga dhisaayaa magaalada Jeddah ee xeebta Badda cas.

Dhismaha guriga u dheeraan doona adduunka ayaa ka koobnaan doona 200 oo dabaq (Floors) kuwaas oo leh 59 Wiish (elevators).

Gurigan aadka u dheer ayaa loogu magacdaray Kingdom Tower waxaana uu 174 mitir ka dheeraan doonaa  daarta imika dunida ugu dheer ee Khalifa Tower ee magaalada Dubai, waxaana shirkadda  dhiseysaya leh Amiir Alwaleed Bin Talal Bin Cabdulcasiis Ala Sucuud.

Dhismaha ugu dheer  dunida imika ee Burj Khalifah ayaa dhererkeedu yahay 828 mitir, waxaan xadhiga laga jarey sanadkii 2010, waxa ay ka koban tahay 162 dabaq, waxaana ka shaqeeya dad gaadhaya 35 000 kun oo qof. Dubai ayaa hadda wada qorshah

a dhismaha dhisme kale oo aad uga dheer kan Sucuudigu dhismihiisa bilaabayo kaas oo dhererkiisu gaadhi doona 1400mitir taas oo meesha ka saareysa riyada Sucuudiga ee Kingdom Tower.

Sawirada qaabka uu muuqaal ahaan yeelan doono Kingdom Tower:

 7-canopies-from-water 6-sky-terrace

5-from-the-air 4-model-photo-2 3-aerial-view

10-sky-terrace-looking-up 9-drop-off 8-view-near-stairs

 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir Askar