Somalia :Xildhibaankii labaad oo 24 saac gudahood Muqdisho lagu diley

Muqdisho (berberanews) Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa noqdey xildhibaankii labaad oo muddo 24 saac ah gudahood Muqdisho lagu diley.

Bistoolad4-310x231

Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacay subaxnimadii maanta oo Salaasa ah, meel aan waxbadan ka fogeyn hoyga uu ka deganaa degmada Dharkeynley.

Dad ku dhawaa halka dilku ka dhacay ayaa sheegaya in Xildhibaanku uu ku sii socdey meel gaarigiisu u yaaley, waxaana dilkiisa loo adeegsadey rasaas. Xildhibaan Cabdicasiis ayaa ahaa xoghayaha baarlamaanka ee guddiga kheyraadka dabiiciga ah.

Maalintii shalay waxaa qarax lagu diley Xildhibaan Isaaq Riino, oo Baarlamaanka ka soo galay gobolada Baay iyo Bakool iyada oo la dhaawacay mid kale.

Dilalaka Xildhibaanadna ayaa imaanaya iyada oo Muqdisho uu ka furmey shir maalinta berri ah soo xirmaya kaas oo looga hadlaayo amaanka.

Si kastaba ha ahaatee dilalka xildhibaanada golaha sharci dejinta ayaa noqdey mid welwel cusub dadka ku abuurey iyada oo aan waxba laga qaban dilalakii horey u dhacay

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland