Dawladda Maraykanka oo 600 oo askeri u diraaya dalalka Baltikaanka ee Yurubta Bari

USA (berberanews) Dalka Maraykanka ayaa ka fekeraaya in maalmaha soosocda ay diraan 600 oo askeri kuwaas oo la geynaayo dalka Poland iyo dalalka Baltikaanka la isku yidhaahdo ee Yurubta Bari, si ay u taageeraan xulafadooda NATO, kadib markii Ruushku uu dib ula wareegay gacanka Krim oo ka tirsanaa dalka Ukraine.

Pentagon-

Ciidamada Maraykanka ee loo diraayo Yurubta Bari ayaa afhayeen u hadley Gaashaandhiga Maraykanku sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan dhoolatus Milateri oo ay la sameyn doonaan ciidamada dalalka Poland, Estooniya, Lithuania iyo Latvia. Tababarada iyo Jimicsiyada ciidanku wada samaynaayo ayaa la xidhiidha waxa ka socda dalka Ukraine oo isagu aan ku jirin NATO.

– Waxaan dooneynaa in aan qaadano waajibaadkayaga NATO, xitaa haddii tababaradan aaney  ahayn kuwo NATO soo abaabushey, sidaas waxaa Reuters u sheegay John Kirby afhayeenka Gaashaandhiga Maraykanka.

Kirby ayaa ku tilmaamey dhoolatusyada ay ciidankoodu la samaynaayaan xulafadooda Yurubta Bari ay muujineyso sida Maraykanku uga dhexmuuqdo arrimaha nabadgelyada ee qaarada Yurub.

Go’aanka Maraykanka oo soo baxay todobaadkii hore ayaa imaanaya maalin kadib markii Madaxweyne kuxigeenka Maraykanku John Biden booqdey Kiev isla markaana ku dhawaaqey in ay garab taagan yihiin dadka Ukraine.

Dalka Ruushka ayaa hore uga xanaaqey sida NATO isugu soo fidineyso dalalkii hore uga tirsanaan jirey Midowga Soofiyeeyti ee xuduuda la leh Ruushka, waana talaabada keentey in ay faro geliyaan Ukraine oo ahayd farokutiriska ka hadhay dalalkii hore ee Midowga Soofiyeeyti ee aan weli ku biirin NATO.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland