Weriye Lagu Xidhay Xarunta C.I.D-da Ee Magaalada Hargeysa Lamana Garanayo Xadhigiisa Waxa Lagu xidhiidhiyay

Hargeysa(berberanews)Ciidamada Booliska ayaa xabsiga maanta u taxaabay Tifaftiraha Shabakada warar ee Qarninews Miyir Cali Xuseen.

xadhig-

la qaabtey tifafatiraha ayaa uu ku gudaa jirey hawlihiisii shaqo ee maalin laha ahaa ee waraarka uu bulshada uu gudbiyo,ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhiga Weriyaha balse waxa manta dhawayd laga qabtay agagaarka Wasaaradda arrimaha Guddaha,oo sida caadiga ah ay inta baddan Wariyeyaashu fadhiistaan,ciidanka ayaa u kaxaystay wariyaha dhinaca xarunta CID-da oo markii cid ugu war dambaysay ay la galeen ciidankii qaabka afduuba ah u kaxaystay.

kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee ay xidho xukuumadda madaxwayne silayo qof wariye ah waxaana usbuuxan oo kaliya dalka lagu xidhay ilaa saddex wariye halka mid kalena maxkamadda looga yeedhay,iyadoo ay taasina dheertahay weerarka joogtada ah iyo handidaada ay ku hayso shaqaalihii wargeyska haatuf iyo Hubaal.

 

berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland