Afayeenkii Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Somalia Oo Is Casilay

Muqdisho (berberanews)Waxaan ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen in Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) uu ka tagay xilalkii La-Taliye Sare iyo Afhayeenka Madaxweynaha oo uu mudadii 12 bilood ee la soo dhaafay uu hayey.

yariisow-

Eng. Yarisow oo aan la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo. Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Eng. Yarisow loo magacaabi doono xilal kale bacdamaa uu saaxiib dhow la yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

Eng. Yarisow ayaa sanadkii la soo dhaafay si fiican uga dhex muuqday saxaafada oo uu si hagar la’aan ah u difaaci jirey Madaxweynaha iyo Siyaasada Dowladda. Sidoo kale waxuu si aad ah ula xidhiidhi jirey warbaahinta caalamka oo inta badan soo xigan jirtey warkiisa. Waxuuna aad u isticmaali jirey baraha loo yaqaano social media sia facebook iyo twitter oo uu marwalba shacabka ugu soo tabin jirey akhbaarta Dowladda.

Eng. Yarisow ayaa 6 dii sanndood ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho oo uu xilal kala duwan oo muhiim ah soo qabtay sida Wasiirka Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta. Mudadii uu UK joogeyna waxaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Jaaliyadaha Qurbojooga iyo weliba isagoo 10 sannadood la soo shaqeeyey Dowladaha hoose ee UK oo uu heer maamule ka ahaa.

Hadal heynta magaalada ayaa ah yaa buuxin doona jagooyinkii uu banneeyey Eng. Yarisow

 

Berberanews-Desk

Somaliland/Somaliland