Berbera: Wasaaradda Kalluumaysiga oo Qallab u Qaybisay Gobolada Xeebaha Somaliland

Berbera-(Berberanews)-Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland,  ayaa qallab kalluumaysi u qaybisay gobolada Saaxil, Selel iyo Sanaag, kuwaasoo loogu tallogalay inay ka faa’iidaystaan kalluumaysatada ku dhaqan degaannadaas.

Qallabkan oo Wasaaradda Maaliyaddu hore ugu wareejiyay Wasaaradda Kalluumaysiga,   waxa uu ka kooban yahay mishiinno, shabaagta kalluunka iyo agab kale oo muhiimad u leh kalluumaysiga,  isla markaana dawladdu soo iibisay, waxa lagu wareejiyey maanta Isuduwayaasha Wasaaradda Kalluumaysiga ee gobolada Saaxil, Selel iyo Sanaag, kuwaasoo laga codsaday inay si caddaalad ah ugu qaybiyaan kalluumaysatada degaannadooda ka xoogsada.kalum2

Madaxa maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Mr. Jaamac Axmed Cismaan oo qallabkaas ku wareejiyey Isu-duwayaasha gobolada loogu tallogalay, waxa uu sheegay  in qallabkaasi yahay mid dhaqaalaha lagu iibiyey ay bixisay Wasaaradda Maaliyaddu,  isagoo tilmaamay inuu faa’iido u yeelan doono kalluumaysatada dalka.

“Waxa farxad ii ah in aan qallabkan ku wareejiyo afarta gobol ee waawayn ee mid walba qaybtii uu helay, waana markii ugu horaysay ee xukuumada Somaliland miisaniyadeeda ka iibsato qallab intan le’eg. Qallabkanina waa mid aad u qaali ah, waxaana masuuliyintan kula dardaarmayaa inay qallabakan cidii ku haboon siyaan,” ayuu yidhi Mr. Jaamac Axmed.agaasimaha

Isu-duwayaasha Wasaaradda Kalluumaysiga ee Gobolada Saaxil, Selel, Sanaag iyo degmada Laas-qoray ee bariga Sanaag oo qallabkaas qayb laga siiyey, ayaa iyaguna tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin agabka kalluumaysiga loogu tallogalay ee lagu wareejiyey, iyagoo ballanqaaday inay si caddaalad ah ugu qaybin doonaan kalluumaysatada loogu tallogalay.

kalum3