Muxuu daaranyahay Safarka Madaxweyne Silaanyo ee Berbera?

Berbera-(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar ay Marwadiisu ku weheliso oo aan la sii shaacin, isla markaana aan ujeeddadiisa la faahfaahin ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka tegay magaalada Hargeysa, waxa la sheegay inuu gaadhay Berbera, hase-yeeshee, lama sheegin ujeeddada socdaalkiisa aan la sii ogeyn ee uu halkaas ku tegay, basle ila-wareedyo ka ag-dhaw Safarka Madaxweynaha, ayaa Berberanews u xaqiijiyey in Safarka Madaxweynuhu yahay mid shaqsi ah ama isaga u gaar ah.

Madaxweynaha iyo Marwadiisa, ayaa la sheegay sida la filayo inay caawa illaa Berri ku sugnaan doonaan magaalada Berbera, iyada oo aanay Madaxtooyada iyo Xukuumadda kale toona ka hadalan, wax faahaahin ahna aanay ka bixin Safarkaas.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ama ujeeddada safarka kediska ah ee Madaxweynaha iyo Marwadiisu ku tageen Berbera, isagoo qaabka socdaalkiisani ka duwanaa safarradiisii hore ee uu ugu bixi jiray gobollada iyo Degmooyinka dalka oo Masuuliyiinta Xukuumadda ee kala duwan, Gaadiid badan iyo Ciidammo badan lagu ag arki jiray.