Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay Taleex iyo Shirweynaha Kulmiye

Wasiirka Gashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami

Hageysa-(Berberanews)- Wasiirka Gashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay xaaladda xisbiga talada haye ee KULMIYE iyo waxa ka jira  warar sheegaya in loo magacaabay Guddoomiyaha Shirweynaha saddexaad ee xisbigaas.

Md. Cadami oo magaalada Hargeysa saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu tilmaamay in aannu jirin khilaaf isaga iyo xisbiga KULMIYE ka dhex jira, isagoo sidoo kale xusay in aannu ilaa hadda helin warqad loogu magacaabay guddoomiyaha shirguddoonka xisbiga.

“Weli waa hordhac arrinkaasu, warar aan helayna ma jiraan, guddoomiyenimadaasna waad ii saadaalinaysaa oo khayr soo socda weeye. Weli warqad aan helay oo la ii dhiibay ma jirto, laakiin waa wax berri iyo saadambaba shaaca u soo bixi oo iman doona,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu tibaaxay in mabda’a guud ee xisbiga KULMIYE laga midaysan yahay, muranka iyo khilaafyada la sheegayaana yihiin doodo ku salaysan hannaan dimoqraadi ah, waxaannu yidhi; “Ninka dhinac loo raaco la waayey waa ninka doqonka ah, KULMIYE xagga doqonimada laguma ogayn, xagga wadahadalkana dood baa la hayaa, dimuqraadiyadaana  bannaynaysa, waxaana dimuqraadiyad loo yidhi ka ra’yi gaabka ah iyo ka xikmada leh mid walba inuu intiisa la shir yimaado, dabadeedna dul-qaadkii lagu dhegaysan lahaa la helo, aakhirkana xalkii la gaadho, intaasay dadku fahmi waayaan, waxaanay moodaan in aannu is-hayno oo la is cidhib tiray oo dagaalkii u dambeeyey ee adduunku meesha ka socdo, dhibaatana ma jirto, dadkuna waa walaalaysan yahay, waana ka midaysan yahay xagga xisbiga,  laakiin wax dhibaato ah ma jiraan. Xisbiga KULMIYE waa walaalo, waana ka midaysan yahay.  Xagga xisbiga KULMIYE shirka qabashadiisa isku shaqaba maaha, waxan oo dhami waxa ay leeyihii waddooyin la raaco, waxaana uu leeyaha shirka KULMIYE maalinta loo qorsheeyo oo dhan, laakiin xisbiga KULMIYE waa xisbi ay dhexediisa ka hanno-qaaday waxa la yidhaa isku tanaasul, qofna qof ma haysto, laakiin waxaannu ka midaysan nahay KULMIYE-nimada.”

Wasiir Caddami waxa uu intaas ku daray in magaalada Taleex ay gacanta ku hayaan shacabkii ku dhaqnaa ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Taleex iyo Puntland waa laba kala nooc ah, Taleex-na waa kuwii galay ciidanka qaranka Somaliland, haddana waa la joogaa waxaana jooga qaar ka tirsan muwaadiniinta reer Somaliland.”