Boliska Kenya oo toogtay nin Shabaab laga shakiyay in uu ka tirsanyahay

Kenya (berberanews) Booliska Kenya, ayaa saaka oo Jimco ah waxay toogteen nin ay uga shakiyeen inuu qeyb ka yahay Ururka Al-shabaab, oo la aaminsanyahay ineey ka danbeeyeen weeraro xidhiidh ahaa oo ka dhacay Kenya.
police
Booliska Kenya ayaa sheegay, in Rashid Tumbo Kufungwa, uu diiday inuu u hogaansamo amarka Ciidamada Booliska kadibna ay toogteen.
 
Rashid Tumbo Kufungwa, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa weerar Bishii hore lagu qaaday Kaniisad ku taal Mombasa, halkaasoo ay ku dhinteen 6 qof.
 
Sarkaal saroo katirsan ciidamada la dagaalanka argagixisada Kenya, ayaa shegay in, Rashid Tumbo Kufungwa, uu ka danbeeyay dilka Ahmed Bakhshwein oo ahaa sarkaal katirsan Sirdoonka Kenya.
 
Kenya ayaa la kulmeysay weeraro xidhiidh ah tan iyo sanadkii 2011, markaasoo ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Somalia.
 
 
Berberanews-Desk
hargeysa/Somalia