Daawo Sawirrada Madaxweyne Silaanyo oo la tukaday reer Berbera

Berbera-(Berberanews): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dadweynaha reer Berbera kala qeybgalay Salaadii Jimcaha, kadib markii uu maalintii shalay si kedis ah u tagay.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maalintii labaad socdaal gaar ah ku jooga magaalada Berbera ayaa maanta dadweynaha reer Berbera kula tukaday Salaada jimcaha masjidka khalid binu-Walid ee u dhow xarunta gobolka Saaxil taasoo ay Salaada ku wehelinayeen gudoomiyaha Gobolka Saxil, Maayarka Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera, Taliyaha Ciidanka Policeka Taliyaha Ciidanka Marines-ka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka Saaxil.

Sheekh Saleebaan Saciid Cali ayaa khudbad Diini ah halkaasi kasoo jeediyey oo uu kaga hadlay akhmiyada ay leedahay salaada roob doonta ah ee uu madaxweynuhu amray in laga tukado maalinta beri ah dalka oo dhan, waxa uu Sheekhu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha safarkiisu yahay mid gaar ah oo aan hawlo qaran wadin ee uu soo booqday magaalada Berbera waxaanu illaahay uga baryay inuu ku sugo hogaaminta toosan ee dalka ka wado iyo cimriga iyo caafimaadkana u siyaadiyo eebe.

 

Boqolaal kamid ah Dadweynaha reer Berbera oo salaada Madaxweynaha kula soo tukaday Misaajidkaasi ayaa siweyn afaafka hore ee misaajidka ugu soo dhaweeyey madaxweynaha sacab iyo soo dhaweyn diiran waxaanu madaxweynaha salaan gacan haadis ah la wadaagey dadweynahaasi tubnaa misaajidka hortiisa.
Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah mid gaar ah oo nasasho u muuqdaa kaasi oo wararka qar sheegayaan inuu booqday Xeebta batalaale oo uu hore ugu dabaashay waxaana la filayaa in maalinta beri (Sabti) dalka oo dhan laga oogo Salaad roob doon ah.

Madaxweynaha Safarkiisa ayaa noqonaya kii u horeeyey ee gobolada dalka mid ah u socdaalo iyadoo aanay wehelinaynin wax wasiiro ahi oo xukuumadiisa ka tirsan ama masuuliyiin kale”.

 
 
berbera2 berbera3 berbera4 berbera5 berbera6 berbera7 berbera1