Sheekh Aadan Sune Oo Khudbadii Jimaha Ee Maanta Ku Soo Bandhigay Dhacdooyin Yaab Leh Oo Uu Hargaysa Ku Arkay

Hargeysa (berbernews):Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) Oo Ka Mid Ah Culimada Somaliland Ayaa Ka Hadlay Falalka Foosha Xun Ee Inta Badan Hay’aduhu Ka Gaystaan Gudaha Somaliland.

 4-masjidka

Sheikh Aadan  Sune Oo Maanta Jeedinayey Khudbadisii Salaada Jimce Ayaa Waxa Uu Ka Hadlay Dhacdo Ay Hay’adda World Vision Kula Kacday Masaajid Ku Yaala Cusbitaalka TB-Da Ee Magaalada Hargeysa Iyo Dhacdooyin Layaab Leh Oo Dhex Maray Mid Ka Mid Ah Macalimiinta Wax Ka Dhiga Dugsiga Abaarso Tech Iyo Ardayda Wax Ka Barata Dugsigaasi .

Ugu Horayn Sheikh Aadan Sune Oo Ka Hadlaya Dhacdooyinka Dhex Maray Mid Ka Mid Ah Macalimiinta Wax Ka Dhiga Dugsiga Abaarso Tech Ayaa Waxa Uu Yidhi “Nin John La Yidhaa  Oo Ka Mid Ah Macalimiinta Dugsiga Abaarso Tech Ee Maraykanka Ah Waxa Uu Soo Qoray Oo Uu Mareegtiisa Galiyey Qoraalo Ka Waramay Wada Hadal Dhex Maray Qaar Ka Mid Ah Ardaydiisa, Maantana Inooguma Horayso Oo Hore Ayaa Looga Waramay Waana Koox Dhan Oo Kiristaan Ah Kuwaas Oo Hablo Iyo Inamo Muslimiin Ah Oo Dhalinyaro Ah Meel Ku Xaraystay Magaaladana Kala Fogaaday, Kuwaas Oo Surwaalo Iyo Garamo U Xidha Hablaha Oo Kubada La Ciyaara, Waana Tii La Fashiliyey Video-Gii Laga Soo Duubay.” Ayuu Yidhi Sheekh Aadan Sune

1masjid

Sheekh Aadan Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Intaas Raaciyey “Ninkan Macalinka Ah Ee John Maalin Ayuu Ardayda Uga Sheekeeyey Nin  Ka Mid Ahaa Boqoradii Aduunka Oo Umadiisa Ku Xukumi Jiray In Ishana Il Loo Rido Nafna Naf  Loo Gooyo,  Markii Uu Uga Sheekeeyey Taariikh Ahaan Ayuu Ku Yidhi Haddii Aad Dadka U Talisaan Maxaad Ku Xukumi Lahaydeen, Waxaanay Ugu Jawaabeen Inay Dalka Ku Xukumi Lahaayeen Shareecada Islaamka, Waxaanay Ku Yidhaahdeen Manaan Ogolaadeen In Wadankayga Uu Gaal Yimaado, Dumarka Iyo Ragu Ma Sina Shareecada, Inay Dumarku Dunida Wareegaan Ma Aqbalayno, Tuuga Gacanta Ayaan Goyn Lahayn, Qofka Sinaysta Dhagax Ayaan Ku Dili Lahayn, Waan Gumaysan Lahaa Haddii Uu Gaalku Dalkayga Yimaado,  Islaam Iyo Kiristaan Isma Guursan Karaan, Waa Wax Diinta Islaamka Ka Ah Xuduuda, Waxaanay Istaageen Kaalin Muhiim Ah.” Ayuu Yidhi Sheekh Aadan Sune.

2-masjid

Sidoo Kale Waxa Uu Sheikh Aadan Sune Ka Hadlay Fal Aad U Xun Oo Hay’adda World Vision Kula Kacday Masaajidka Ku Yaala Dhakhtarka TB-Da Ee Magaalada Hargeysa Kaas Oo Dhamaanba Daaqadihiisa Ay Ku Samaysay Calaamada Kiristaanka, Isaga Oo Ka Waramaya Arimahaasna Waxa Uu Ku Bilaabay “Hay’ad Kuwaiti Ah Ayaa Dhistay Masaajidka Dhakhtarka TB-Da Oo Dhaqaale Siin Jirtay Wakhtigii Hore, Hay’adda La Yidhaa World Vision Ayaa Soo Waydaaratay Oo Xilkii La Wareegtay Markii Ay Hay’adaas Hore Iskaga Tagtay, Waana Hay’ad Aan Qarsan Astaamaheeda, Waana Hay’ad Ay Iiga Warameen Rag U Dhuun Daloola In  Ninkii Imtixaanka U Fadhiistay Ee Ku Guulaystay  La Waydiiyey Imisa Salaadood Ayaad Tukataa, Hay’adaasi Meelaha Ay Ka Hawl Gasho Waynu Naqanaa Waana Hay’ad Cadaysatay Kiristaamaynta, Intay U Timid Guryihii Dhakhtarka Ayey Guryihii Gaboobay Ee Ingiriisku Ka Tagay Ka Badashay Daaqadihii Dabadeedna Masaajidkiina Ayey U Yimaadeen Oo Ay Yidhaahdeen Waanu Qurxinaynaa  Daaqadihiisa Inta Kalana Ka Badali Maayno,  Nimankii Farsamo Yaqaanada Ahaa Ee Allumunium-Ta Samaynayey Waxay Ku Yidhaahdeen Qaab Gaar Ah Noogu  Sameeya, Waanay U Sameeyeen, Masaajidkii Minaarada Lahaa Ee Dadka Islaamka Ah Ku Tukanayeen Waa Nooc Kaniisad Ah Oo Calaamadii  Kiristaanka Ayey Daaqadaha Kaga Dhajiyeen Afarta Jihaba,  Waxaanu Meesha Ku Aragnayna Waanu Quudhsanay In Dhul Islaam Ah Oo Hargeysa Badhtankeeda Ah In Masaajidkii Lagu Dhajiyo Calaamadii Kiristaanka Oo Intay Hay’ad Kiristaan Ahi Lacagta Bixiso Inay Tidhaa Sidaa U Wada Sameeya Dadkii Islaamka Ahaana Ay Sidaa Ku  Ogoladaan Wax Caalim Ah, Sheikh Ah Iyo Dawlad Ka Hadlaysa Toona Aan La Arag, Shareecada Islaamkana Waxay Culimadu Sheegeen In Haddii Marada Lagu Dhigo Calaamada Karooska Ah Aan Lagu Tukan Karin.” Ayuu Yidhi Sheekh Aadan Sune.

Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sune) Waxa Uu Ugu Baaqay Guud Ahaanba Shacabka Wadanka Somaliland In Si Gaar Ah Layskaga Ilaaliyo Hay’addaha Ay Gaaladu Maamulaan, Waxaanu Ku Baaqay In Arimahaas Aynu Kor Ku Soo Sheegnay Si Deg Deg Ah Wax Looga Qabto.

Xigasho -Madhaafaan