Dad harraad ugu dhintay Soomaaliya

Hiiraan-(Berberanews)-Meelo ka mid ah gobolka Gedo, gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Puntland iyo Somaliland waxaa laga soo sheegay in lagu qabtay isu-soo baxyo duco iyo Alla bari roobdoon ah kaddib markii jiilaalkii dheeraaday oo biyo yaraan xoog leh ay dhacday.

Deegaannada qaar waxaa laga soo sheegay in dad harraad u dhintay ay jiraan. Waxaa ka mid ah degaanno ka tirsan gobolka Galguduud.

Mohamed Adan Rooble oo ka mid ah odayaasha Guri-ceel ayaa BBC uga warramay dadaal dadka dhibaateysan loogu gurmanayo.

Dhegayso: Farxaan Maxamed Jimcaale oo  xaaladda biyo la’aanta sida ay hadda tahay.


harraad