Madaxweyne Silaanyo oo Roob doob la tukaday shacabka reer Berbera+sawirro

Berbera-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa dadweynaha reer Berbera kala qaybgalay tukashada sallaad Roob-doon ah oo dalka oo dhan laga tukaday maanta.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Masuuliyiinta Badhasaabka gobolka Saaxil iyo kuwa degmadao, iyo Xubno la socday Madaxweynaha Oo uu Kamid yahay Taliyayaasha Ciidanka Policeka iyo Xeebaha.

Madaxweynaha Siilaanyo oo dadweynaha khudbad kooban u jeediyay ayaa Ilaahay uga baryay inuu ka aqbalo shacabka Somaliland sallaada doonta ah.

salaad1salaad3

“Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu ducadeena aqbalo waxaynu nahay dad xoolo dhaqato ah oo roobka baahi weyn u qaba” waxa sidaa yidhi Madaxweynaha Axmed Maxamed Silaanyo.

Sidoo kalena Culimada Magaalada Berbera ayaa halkaasi kasoo jeediyey khudbado diini ah oo ay kaga hadlayeen in lasasaamaxo iyo ilaahay loo toobadkeeno culimadaasi oo ay kamid ahaayeen Sheekh Saleebaan Sacid Cali iyo Sheekh Muuse Abyan oo ka waramay doorka diinteena ee in la tukado salaada Roob doonta ah ee illaahay lagaga baryayo roobka iyo naxariistiisa maadaama dalka abaaro ka jiraan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dadka reer Berberasalaan gacan haadis ah ku dhexmaray markii laga baxay salaada, waxaannu ku noqday caasimadda Hargeysa ka dib saddex maalmood uu ku sugnaa Berbera.

salaad4 salaad5 salaad6 salaad2 salad7

Berberanews.com

info@berberanews.com