“Waxa La Inooga-baahan yahay In aynu Is cafino, Dadkuna Markay Isku uur fayoobaadaan ALLE wuu u naxariistaa” M.Xigeenka Somaliland

Hargeysa (Berbera News)  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka ugu baaqay inay iska cafiyaan kana dheeraadaan waxyaabaha keeni kara xasidka iyo calool xumadda.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah Shacabiga ku dhaqan Magaaladda Hargeysa la tukadday Salaadii Roob-doonta, waxaanu sheegay inay umadda Umadduhu marka ay isku calool fayow-yihiin uu ALLE SWT u naxariisto.

 maxresdefaultWaxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Kulaylka iyo Roob la’aanta ina haysa waad wada dareen santihiin, maanta Hargeysa meel kale Waraysigeedu ha kuu danbeeyee, Hargeysada oo aynu joogno  Caasimada Somaliland Kulayka iyo dhibta ina wada haysa aad wada dareen santihiin waxa laynooga baahan yahay sidaa walaal keen Sheekhu sheegay in aynu is Cafino oo Caloosheena wanaajino in Xasadka iyo xumaanta Nin-ba Ninka kale uu jiidanaayo ee maanta Ninkiiba Walaalkii waxa wanaagsan u ogaaan la’yahay inaan iska dhaafno”

Madaxweyne ku xigeenku waxa  uu intaas ku daray “Dadku marka ay isku Uur fayoobaadaan ayaa ILAAHAY u naxariistaa,  ILAAHAY  waxaa uu yidh waxaan Umadda ku Arsaaqaa Niyaddoodda, haddii Niyaddooddu wadda wanaagsanaato ILAAHAY Arsaaqadda-na waa uu inoo kordhini Cir iyo Dhul-kana Baraadkiisa wuu ina siinayaa”

 

 

Berbera News/Hargeysa.