Berbera: Masuliyiin U Faadhumaysanaya Xuska Qabanqabada 18 May oo ay sanadkii Hore ku fashilmeen”

Berbera (Berberanews)-Xuska Qabanqaabada 18 May ee Fooda inagu soo haysa ayaan laga dareemin magalada Berbera iyo guud ahaanba Gobolka Saaxil, iyadoo Dadweynaha Reer Berbera ay aad uga dheragsan yihiin Sidii looga Xusay Sanadkii Hore Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, iyadoo Xiligaas Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Cali Maxamed Cilmi uu Magacaabay Guddi Ka kooban (9)Xubnood, oo Uu Gudoominayo Badhasaabku Xigeenka Gobolka Saxil Md. Khadar Cali Cilmi iyo Mareeye Kuxigeenka Dekadda Bebera Md.Cumar Abokor Jama kuwaas oo Lagu Tiriyo Saxiibo aad Isu dhow oo Maalmo Badan Soo wada Qatay. Islamarkaana kasoo Wada Shaqeyey Waaxda Customs ee Wasaarada Maaliyada

Guddidaas oo Soo Ururisay Dhaqaale Badan oo Lagu Qiyaasay ilaa $50,000 oo lacagta Maraykanka ah,ayaa iyadu Maamulaysay Sanadkii Hore Qaban Qabada Xuska 18 May 2013 ” ee Gobolka Saaxil, Taas Dadweynaha Ku dhaqan Magaalada Berbera ay Saluug Badan Ka Muujiyeen,Sidii looga Dabaal degay Guud ahaanba Gobolka Saaxil Marka loo eego Gobolada Kale ee Somaliland

My beautiful picture
Kharashkaas oo ahaa Mid Laga soo Ururiyey Laamaha Dakhli ee Dawlada, Sida Dekadda , Haamaha Keydka Shidaalka , Dawlada Hoose Ee Deg. Berbera iyo Sidoo kale Ganacsatada Waweyn ee Magalada Berbera ,ayaa Mugdi Badani ka Muuqday Sidii Loo Maamulay
Xafladan 18 May oo Sanad Walba looga Dabaal Dego Dalka Jamuriyada Somaliland Ayaan Laga Dheehanayn Kharashka Intaas Leeg ,Balse la isweydiinayaa Halka uu ku baxay Laga Soo ururiyey Laamaha Dakhli ee Dawlada , Taas oo loogu Talo galay in ay ka Muuqato Xuska Maalinta uu leeyahay Qarankani ee 18 May

My beautiful picture
Hayadaha Dakhli ee Gobolka Saaxil ,Ayaa iyagu Ka Muuqaal Duwanaa.Kuwa Kale ee iyagu Dhakhli Helin Waxaanad Arkaysay Shaqaalaha kale Duwan Dekadda Berbera ,Dawlada Hoose Berbera , Wasaarada Maaliyada , Wakaalada Xooga Korontada , Wakaalada Biyaha , oo iyagu ku labisnaa Maryo Qurux badan oo Laga Sameyey Astaanta Calanka Somaliland iyo Baabuur Iyana lagu Xardhay Calanka iyo Astaamaha 18 May , Hayadahaas oo iyagu Iskood Iska Bixiyey Kharashka Maalintan ku baxaya , Sida Calamaanta ka Sameysan Astaanta Calanka Somaliland iyo Garamaanta Shaqaalaha ,iyo Istiikarada Baabuurta ee ugaar ah Maalinta 18 May

My beautiful picture

Dhanka kale Haddii aan Dib u eego Sawirada ama Xusuusta Maalintaa , Sida loogu kala Duwanaa Dabaal Dega Maalintan, Hayadaha Aan Odhan Karo Way Ugu Liiteen Waxa Kamid ahaa Wasaarada Tacliinta , Wasaarada Caafimaadka, iyo Wasaarada kale oo iyagu ah kuwa ugu Muhiimsan Maalintan ayaa laga dheehanayey in ay Ka Aradanayeen Astaanta Calanka Jamuriyada Somalind.

Lasoco Qaybta Dambe
Qalinkii Axmed Siciid Maxamed
Email: axmed_203@hotmail.com