Dallada SYNA Oo Munaasibad Waacyi-gelinta Tahriibta Iyo Qabyaaladda ku qabatay Hargeysa

Hargeysa (Berbera news)  Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA ayaa xalay madal kulmisay Haldoorka Dhalinyarada Caasimadda Somaliland ku qabatay Hotel Dalxiis ee magalada Hargeysa.
 
Munasibaddan oo ahayd wacyigelin ku saabsan Tahriibka iyo Qabyaaladda oo ah labada inta badan saamaynta ku yeeshay Dhalinyarada Somaliland lagana soo qabtay Gobolada Togdheer iyo Saaxil caawana lagu qabtay Hargeysa ayaa lagu sheegay Olole laga fulinayo sannadkan Gobolada iyo degmooyinka Dalka, looguna soo bandhigayo qorshayaal u badan in dhalinyarada lagu wacyigeliyo midnimo iyo isku duubni si looga baxo caqabado badan oo dhalinyarada saamayn ku yeeshay.
 
Guddomiyaha Dallada SYNA ee Hargeysa Shabac Abdi mohmed iyo Guddomiyaha Guud ee Dallada SYNA Fadhigiisuna yahay Gobolka Togdheer Mustafe Osman Abdirahman oo ugu horeyn sharaxaya ujeedada ololahan aydallada SYNA u samaysay ayaa sheegay in SYNA waxa ugu muhiimsan ee loo aasasay tahay inu noqdo madal ay dhalinyaradu hadhsato isla markaasna u horseeda da’yarta isku xidhnaan iyo isku duubni, balse aanay ujeedadisu ahayd mid cid lagu maagayo ama lagaga soo horjeedo, waxa keliya ee dhalinyarada manta mustaqbalkooda oo wanaagsanaada ku xidhan yahay na ay tahay in la helo dhalinyaro mid ah oo meel uga soo wada jeeda wax kasta oo horumarka Da’yarta Liddi ku noqon kara.
 
Agaaismaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaarada JSL Maxmed Xusen Dhabeeye oo isna Munasibaddaas ka hadlay ayaa ku ammaanay Dallada SYNA inay soo bandhigtay fikir cusub oo ka duwan afkaartii Dalladaha iyo ururada hore u jirey, waxanu sheegay in lagama maarmaan tahay in Dhalinyarada midnimadooda laga shaqeeyo oo la isku hawlo, isla markaasna aan dhalinyarada lagu qaadanin ururo ama kooxo gaar ah balse ay muhiimaddu tahay in midow loo sameeyo dhalinyarada, waxanu xusay in xukuumaddu manta u soo jeedo Dhalinyarada hawlo baaxad leh na u qabato, oo u fudaydisay inay masuliyadda teeda yar iyo teeda wayn ba qaadi karaan.
 
Agaasime Maxmed Xusen waxa uu ballan qaaday inu la shaqayn doono cid kasta oo horumarka dhalinyarada ka shaqaynaysa oo ay Dallada SYNA kow ka tahay, isagoo si gaaar ah u ammaanay Guddomiyaha guud ee SYNA Mustafe osman teacher waxanu xusay in muddo dheer ay sxb ahaayeen isla markaasna intii u yaqaanayba uu ka shaqaynayey arrimaha dhalinyarada isku xidhkooda iyo horumarkooda, isago carrabka ku dhuftay in ay si gaar ah u wada shaqeeyen wakhtigii xukuumaddani xisbiga furtay ayna isku ahaayeen ururkii NASIYE kaaso ujeeda da ugu weyn ee uu u soo galayna ahayd inu u ololeeyo una halgamo in dhalinyaradu xisbi siyaasiya yeelato, guul darradii xisbigaas ku timina horsed u ahayd tafaraaruqa dhalinyarada haddii dhalinyaradu midaysantahayna aad u fududayd inay hogaanka xisbiga iyo ka dalkaba la wareegto.
 
Guddomiyaha urur la yidhaa afgrad Mr Axmed Shiine, Guddomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Daraasadka Axmed Shaqale, Arday ka kala socotay Jamacadaha Alpha, Adid ababa medical college, iyo Jamacad ku taalla waddanka SUDAN oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood tilmaamay inay ku faraxsan yihiin Dallada SYNA soona dhoweynayaan loona baahan yahay cid dhalinyarada isu keenta, si wakhti dhow loo helo dhalinyaro mid ah oo hogaan iyo maamul dhalinyaro ah oo ku hadla afkooda samaysta, kadibna looga raysto dhibaatooyinka ay ugu weyn tahay Tahriibka , Qabyaaladda iyo Balwadaha sida qaadka.
 
Saynab Maxmed Cabdi oo ka mid ah suxufiyiinta dhalinyarada ah kana mid ahayd aasaasayaashi SYNA iyo Xildhiban Mubarik yusuf Bidhi oo ka mid ah Golaha Deganka Burco oo iyaguna munasibadda ka hadlay ayaa si weyn dhalinyarada ugu dhiirigeliyey inay la shaqeeyaan SYNA islam arkaasna Dalkooda aaminaan, iyagoo tusalayaal badan u soo qatay Dhibta Tahriibka iyo qabyaaladu ku hayso Dhalinyarada, waxayna ku wacyigeliyeen inay aqoonta ay bartaan dalkooda ugu faaideeyaan wax macno leh oo ay ku fekeraan sidii ay bulshada u soo dhex dhigi lahaayeen wax dhalinyarada iyo ummada kaleba dan u ah, waxay xukuumaddana ugu baaqeen inaanay cid gaar ah u aqoonsanin inay dhalinyarada metesho, maadama iminka la yagleelayo ciddi dhalinyarada waddanka oo dhan meteli lahayd oo fikirkaas ay keentay Dalladan SYNA, isl amarkaasna ay ku Dallada SYNA qayb ka noqoto Dadka masulka ka noqonaya Sanduuqdha horumarinta dhalinyarada ee xukuumaddani samaysay, iyago si weyn uga digay inanay xukuumaddu cid aan dhalinyarada metelin ugu dhiibin furaha sanduuqaas iyo hawlaha kale ee dhalinyarada lagu horumarinayo ba.
 
Gebogabadii waxa munasibadda laga soo jeediyey Suugaan ka hadlaysay Tahriibka iyo Hadalo kale oo u badnaa Dhiirigelin iyo Guubaabo, waxana Munasibaddaasi ku soo dhammaatay jawi farxad leh oo adu soo jiitay Dhalinyaradii madasha soo camirtay ee u badnaa aqonyahanka iyo ardayda jamacadaha.
 
 
 
 
10253862_701894809867930_900428539811214969_n
Berbera News/Hargeysa.