Murugo iyo Argagax: Gabadh Somaliyeed oo uur leh baa ka dhacday fooq cabsi ay ka qabtay askar soo weerartay

Nairobi-(bbc/Berberanews)-Gabadh Soomaaliyeed oo uur leh ayaa ka dhacday dabaqa saddaxaad ee dhismo ay ka degan tahay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ka dib markii ay albaabka gurigeeda ku soo garaaceen ciidamo boolis Kenyan ah.

Haweenaydan oo cabsi qabtay inay  xidhaan askar albaabka ku garaacday xilli saqdhexe ah, iyadoo isku deyday inay daaqadda kaga gabbato ciidanka balse argagax ayaa halkaas ka dhacay markii ay daaqadda ka dhacday.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo, Nadiifo cabdi ayaa la geeyay cisbitaalka Nairobi East si halkaasi loogu daaweeyo.

Xabiibo Xasan Cumar oo habaryar u ah gabadha soo dhacday oo uur afar bil leh, ayaa dhankeeda arrinta ku tilmaamtay murugo iyo argagax.

Dhaqtarka la tacaalayay xaaladda Nadiifo, Salaad Garad Maxamed ayaa BBC-da uga u sheegay in dhabarka ay ka dhaawacantay, ilmaha uurka kujirana aysan dhibaato soo gaarin.

Halkan ka dhegayso