Somalia oo u yeedhay Safiirkii u fadhiyay Kenya iyo xad-guudbyada Boolisku ku hayaan Somalida oo sii socda

Muqdisho-(Berberanews)-Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya  Maxamed Cali Nuur Amerika  ayaa soo gaadhay maanta Magaaladda Muqdisho, ka dib markii ay u yeedhay dawladda Somalia.

Amerika wuxuu sheegay in sababta uu yimid ay tahay sidii uu xukuumadda warbixin uga siin lahaa xadhiggii qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa sidoo kale imaanshihiisa ku sheegay inay la xidhiidho u yeedhistii ay Xukuumadda Soomaaliya u yeedhay si ay wadatashi ugala yeeshaan hawlgallada lagu qabqabanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya ku nool, gaar ahaan magaalada Niarobi.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay safiirka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dajiruhu uu sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood.

 

 

“Dowladda Soomaaliya ayaa u yeedhay safiirka, si loogala tashado xadhiggii ay u geysteen ciidamada Booliiska Kenya qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo hawlgallada lagu qabqabanayo Soomaalida ku nool Islii,”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo shir jaraa’id ay wada qabteen isaga iyo danijraha Soomaaliya ee Kenya.

 

 

Sidoo kale  Danjire Ameerika ayaa isna dhankiisa waxaa uu mar kale muujiyay sida au xun-yahay tallaabada lagu xidhay qunsulka  oo ku sheegay mid aanay u dulqaadanayn, kana hor-imaanaysa xeerarka dumbalaasiyadda caalamka.

 

 

“Kenya waa dala aan walaano nahay, waxaana uga maahdcelinaynaa ciidanka ay u soo dirtay Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM iyo marti-gelinta qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan, balse uma dulqaadanayno dhibaatooyinka ay ku hayso Soomaaliya iyo xariggii qunsulka Soomaaliya,” ayuu yidhi Mr.  Ameerika.

 

 

Xukuumada Soomaaliya oo aan wali qaadin wax tallaabo ah ayaa ka dalbatay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inay war cad ka keento, hase ahaatee wasaaradda ayaan wali iyana wax qoraal ah ama cabasho ah kasoo saarin.

 

 

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire ayaa muddo saddex saacadood ah waxa xidhay booliiska Kenya, kaddib markii gellinkii dambe ee Jimcihii ay gurigiisa ugu galeen, isla-markaana xidheen isaga iyo xubno kale.

 

 

 

 

416

Berbera News.