Taliyaha Asluubta oo ballanqaaday inay shacabka u soo bandhigi doonaan natiijada baadhista weerarkii Xabsiga Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa ballanqaaday in ay shacabka u soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda baadhista lagu hayo hawlgalkii fashilmay ee koox maxaabiis ahi isku dayeen inay kaga baxsadaan xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa toddobaadkii hore.

Taliye Xiirane oo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha u warramay maanta, waxa uu qiray in hawlgalkaasi ahaa mid loo adeegsaday cid ka tirsan Asluubta, kaas oo loo xidhxidhay dad badan oo eedaynayaal ah, kuwaas oo uu sheegay in ciddii ay ku caddaato dambi laga qaadi doono tallaabo ciqaabteedu adag tahay oo tusaale noqota.

Taliye xiirane

“Horta, xabsigan si caalami ah loo sameeyey albaabadiisa iyo dhismihiisa oo dhan, laakiin hawlgalkan (qorshaha maxaabiistu ku baxsanaynaysa) kor loogama iman ee kolayba waa dhexdayada, baadhistiina way socotaa, hadallada la leeyahay bastoolada baa meesha lagu qariyey baadhisteedii way socotaa wixii macluumaad ah waanu soo ururinayey, waxaan jecelahay in baadhistaasi noqoto wax dadka loo soo bandhigo, C.I.D-duna (ciidanka baadhista dambiyada) ay ka fiirsatay, wixii dad ku lug lehna caddaaladda la horgeeyo oo ay noqdaan tusaale wax lagu qaato, waayo annagu waxaannu nahay bangiga dawladda ee dadka lagu hayo, waxaannu wadnay horumarkii in ciidankeennu sidii hore ka baxo, in maxaabiistu wax bartaan oo hore loo wada socdo, nalagama filayn in dib loo noqdo, laakiin yeelkeede waxay ka mid noqonaysaa duruusta waqtigan la qaato oo aannu ka taxadiri doono inay dib dambe u dhacdo,” ayuu yidhi Taliye Maxamed Xiirane, waxaannu intaasi ku daray, “Dad badan baa kiiskan loo xidhxidhay, kuwaasna gacan adag ayaa wax lagaga qaban doonaa oo waxay noqon doontaa duruus wax lagu qaato in aanay dib u dhicin. Ummaddana waxaan leeyahay aynu sugno baadhista soo baxda, waxaannan jeclahay wax allaale iyo wixii ay gasho in tallaabo laga qaado.”

Mar la waydiiyey tirada dadka ilaa hadda u xidhan kiiskan, waxa uu yidhi, “Nimankii maxaabiista ahaa ee dilka iyo dhaawac gaystay marka laga reebo ilaa shan eedaysane oo kale ayaa u xidhan, inay ka badato tiraduna waa laga yaabaa oo baadhistu weli way socotaa.”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), waxa kale oo uu qoyska iyo Ciidanka Asluubta ka tacsiyadeeyey askarigii lagu dilay hawlgalkaasi ka dhacay jeelka wayn, sidoo kalena waxa uu hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u diray dadweynihii gacanta ka gaystay qabqabshada maxaabiista isku dayday inay baxsadaan.

“Asluubta waxaan leeyahay yeynaa ka caajisin, hana noqonina niman ku gadooda maxaabiista, dareenkiinnuna sidii wuu ka sarraynayaa, laakiin waxaan ballanqaadaynaa in waxbarashadii aannu ku talogalnay hore u sii wadno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Taliye Maxamed Xuseen Xiirane.