Xummadda Shirweynaha KULMIYE + Wasiirro & Xildhibaanno feedh iskala daalay

Hargeysa(Berberanews):-Xallada Xisbiga Kulmiye ayaa Meeshii ugu xumayd Marysa ka dib markii maanta ay isfrasaareen Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Dhacdooyinkii ugu dambeyey ee ka dhacay Saaka Xunta Kulmiye waxa mid ahaa markii ay is afdhaafeen Xildhibaan reer Boorama ah iyo Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Abokor Xaamud Jibriil ayaa waxa dhex martay gacan ka hadal laysku adeegsaday feedh, waxana ilkaha laga dhiijiyey Xildhibaankii kadib Markii uu guddoomiyuhu feedh ku dhuftay, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Xildhibaankii la qaban kari wayey, waxana la sheegay in guddomiyaha oo meel socda ka dabatagey Dushana kaga fadhiistay, waxase kala qabtay markii labbad ciidankii Booliska ahaa ee meesha ku sugan.

Halkan ka sii akhriso