John Kerry oo Goordhaweyd ka Degay Ethiopia

Adisababa (berberanews)Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry oo dalka Itoobiya kaga qeybgalaya shir madaxeed ay leeyihiin madaxda Afrika ayaa wuxuu Ra’isul wasaaraha Itoobiya kala hadlay in laga kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, wuxuuna ka codsaday Afrika in ciidanka lagu kordhinayo AMISOM inay noqdaan kuwa Itoobiya.
_s
John Kerry ayaa xusay in madaxda Afrika ee ku kulansan magaalada Baxar-daar uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay tayeynta ciidanka AMISOM oo uu xusay inay xilligan shaqo adag ka hayaan Soomaaliya, sidoo kale Kerry ayaa madaxda uu la kulmay wuxuu u sheegay in xilligan ay muhiin tahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga si ay u xoojiyaan dagaalada ay kula jiraan Xaraikada Al-shabaab.
 
“Waxa aan daneynayno waa in la xoojiyo qorshaha nabad-raadinta Soomaaliya taas oo gacan ka geysan karta xoojinta nabadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan mareysa” ayuu yidhi John Kerry oo sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka midka ah lagu kordhiyo ciidamo kale oo dheeraad ah si ay Al-shabaab ula sii dagaalamaan, jaanisna u gu helaan inay goobo badan ka qabsadaan sida uu yidhi.
 
Shirka madaxda Afrika oo maalintii labaad galay ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa amaanka Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalal ay Somalia ka mid tahay iyo in la helo caqabadaha hortagaan nabada Afrika, waxaana xusid mudan in hadalka Kerry ee ku toosan  kordhintaq ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM inay ku soo beegmayso iyadoo howlgalo dhawaan laga sameeyay gobolo ku yaala badhtamaha iyo koonfurta Al-sabaab looga qabsaday 10-degmo oo muhiim u ahaa.
 
 
berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland