Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Muddaysay Dacwada Wargeyska Haatuf

Hargeysa (Berberanews) – Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa mudaysay dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyskii la xayiray ee Haatuf.

Maxkamadu waxay u cayintay dhegaysiga dacwada loo haysto mas’uuliyiinta Wargeyska Haatuf 04/05/2014 oo ah maalin Axad ah, sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Jamaal Axmed Maxamed (Caga-weyne).

haatuf

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

Dhibane: Qaranka JSL iyo dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku eedaysan qoddobada 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyada oo tixraacaysa gal-dacwadeedka summadiisu sare ku xusan yahay ee ka dhexeeyay labada dhinac ee sare ku xusan, waxay u mudaysay maxkamadu maalinta Axada ah ee taariikhdu tahay 04/05/2014 marka ay saacadu tahay 9:00 subaxnimo, waxa la amrayaa eedaysaneyaasha inay ka soo qaybgalaan dacwada ciqaabta ah ee summadeedu sare ku xusan tahay.

Sidaas darteed, waxa la farayaa eedaysaneyaasha inay dhawraan waqtiga iyo saacada loo qabtay.”