Shirwenihii Saddexeed Ee Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Furmay  + Sawiro  

Hargeysa (Berbera news) Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
 
Shirweynahan waxa ka qeyb galaya ergooyin tirro badan oo ka kala yimid Goboladda iyo Degmooyinka Dalka, Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Masuuliyiin ka socday Axsaabta qaranka iyo marti sharaf kale.

 
Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Abu-bakar  Xaamud Jibriil Oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay marxaladdihii uu soo maray qabashadda Shirkani, waxaanu xusay marar badan uu shirku dib u dhacay, balse uu maanta ay hir-gashay qabsoomidiisu
 
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIEY Muuse Biixi Cabdi oo  ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE uu  dib u dhacyo ku yimid uu qabsadday Shirkiisii,
  
Khudbada Madaxweyne Axmed Silaanyo, wuxuu kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda ka dhalatay  Xisbiga KULMIYE, waxaanu sharaxay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay jitay.
 
 
La soco warar kale.
 
 Berbera News/Hargeysa.