Wasiirka Gaashaandhiga oo Loo Doortay Guddoomiyaha Shirguddoominta Shirweynaha KULMIYE.

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Shirguddoonka Xisbiga KULMIYE, kaas oo Shirguddoomin-doona Doorashadda ay Ergooyinku ku dooran-doonaan Hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.
 
 
Xubnaha Shirguddoonka Shirweynaha sadexaad ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa doortay dhamaan Ergooyinkii Shirweynahaasi ka soo qayb-galay, waxaanay kala yihiin Xubnaha loo doortay Shirguddoonku sidan:-
 
 
1-    Axmed Xaaji Cali Caddami Guddoomiye
2-    Maxamed Cabdilaahi Cumar Guddoomiye ku xigeen
3-     Maxamed Yoonis Cawaale Xoghaye
4-    Cabdi Siciid Faahiye Xubin
5-    Axmed Nuur Faahiye Xubin
6-    Prof: Ismaaciil Muuminn Aare.
 
 
Warbaahinta madaxbaan ayaa dhawaan baahisay warar sheegaya in Hogaanka Shiguddoonka Shirweynaha saddexaad ee Xisbiga KULMIYE loo doortay Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Caddami.
 
 
 
DSC_0027
Berbera News/Hargeysa.