“Waxaan Leeyahay Somalia Dadka Somaliland Wuu Tashadday, Diyaar-na Uma Aha Midnimaddii Soomaaliweyn” Madaxweyne Siillaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa  sheegay in  Somaliland aanay diyaar u ahayn  inay Somaaliya kala hadasho midnimaddii  Soomaaliweyn.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu siddaasi ku sheegay khubadd uu maanta ka jeediyay furtaanka Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxaanu xusay in Shacabka Somaliland ay aayahoodda ka tashadeen oo aanay u diyaar u ahayn dib u noqoshada Midnimaddii Soomaaliweyn.
 
Waxaana haddaladiisii ka mid ahaan“Waxaan leeyahay Dawladda Somaaliya Dadka Somaliland wuu Tashadday waxay la soo noqdeen Madaxbanaanidoodiin, diyaar-na uma aha Midnimaddii Soomaaliweyn idmana soo-socddaan”
 
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaas ku daray “Walaalayaal haddii ay inaga xumaatay Walaanimaddii yaanay inaga xumaan Walaanimo iskaashadda oo is Ixtiraama”
 
 
Madaxweynaha  Somaliland Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in xuddahaha  Somaliland ay yihiin ku sharci ku dhisan oo aanu muran ku jirin, waxaanu yidhi “Waxaanu ku baaqaynaa Nabad, waxaanu ku baaqaynaa Jaarnimo iskaashi Walaanimo ku dhisan, Dagaal Wiil-baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho umana baahna Mandaqaddani Maanta Waxaanan leeyahay Xuduuddaha Somaliland mugddi kuma jiraan cidna gor-gortan kala geli-maryno, waxay ku dhisan-yihiin Shirci haddii-se nalagu soo xad-gudbo waxaanu haynaa awoodd aanu ku difaacano”
 
 
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore u sheegay inaanay  Somaliland  diyaar u ahayn inay Xukuumadda  Somaliya ka wadda-hadlaan midnimaddii Soomaaliweyn, iyadda oo uu haddana wadda-hadalo u socdaan labada dhinac.
 
 
 
10853
Berbera News/Hargeysa.