Dawladda Somalia Oo Baanka Horumarinta Afrika Ka Dalbatay Kaalmo Dhaqaale

Tunis  (Berbera news) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika  (African Development Bank) Mr. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxyaha Baankaasi.
 
Kulanka ayaa looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Baanka Horumarinta Afrika ugu tallo-galay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu uga baah-naa Baankaasi muddaddii ay Somaaliya ka jireen Daggaaladdu.
 
 
Kulankan oo uu sidoo kale ka qayb-galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Waftiga Dawladda Somaaliya, ayaa waxa lagu Falaan-qeeyay fududaynta Deeqaha Maaliyadeed ee fulinya Mashaariic kala duwan.
 
 
Waxaanna sida la sheegay uu qayb ka ahaa deddaaladda Dowladda  Soomaaliya ay ku xoojinayso Xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeya hay’addaha Maaliyaddeedd ee heer gobol iyo heer caalami ,iyaddoo lagu muujiyay Qorshayaasha Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ay ku doonayaan inay fursado maalgashi, dib u dhis iyo horumarin uga suurto-gelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo bur-buriyay Niddaamka Dowladdnimo, Deganaansha Ammaan, dhismayaasha hay’addaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.
 
Codsiga Dawladda Somalia ay Baanka horumarinta Afrika ay kaga dalbatay Kaalmo Dhaqaale ayaa u dhignaa sidan:-
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Baanka Horumarinta Afrika inay taageeraan hay’adaha Maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bangiga Dhexe , si loogu Saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.
 

 
 
Berbera News/Hargeysa.