Madaxweynaha Somalia Oo Ka Hadlay  Xadhigii Qunsuulka Somaliya Ee Kenya Lagu Xidhay

Muqdisho (Berbera news)  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay xadhigii ay ciidamada booliiska dalka Kenya u geysteen Qunsulka safaaradda Somaliya ee Kenya  Siyaad Maxamuud Shire, xadhigaas oo mugdi geliyay xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya.
 
 
Xukuumadda Soomaaliya ayaa arrintaas awgeed u yeedhay Danjiraheeda Soomaaliya ee Kenya  Maxamed Cali Ameerika si wax looga weydiiyo xadhiga Qunsulka iyo xaaladda xardhgga lagu hayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
 
“Xadhiga Qunsulka waa mid aad uga xunnahay, waa mid nasiib-darro ah, waana ka soo hor-jeeda sharciyada iyo xeerarka dublamaasiyadeed ee caalamka, waa mid ka horimaanaya xiriirka labada dal, danjiraha waa u yeernay, warbixin ayuu naga siinayaa,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.
 
Dowladda Kenya ayaan  wax jawaab ah ka bixin cabashada dowladda Somalia ee ku aaddan xadhigii Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay u geysteen ciidamada amaanka Kenya, taasoo mar keliya gilgishay gabi ahaan madaxda dowladda Soomaaliya ayna si adag uga hadleen.
 
Ciidamada Kenya ayaa tan iyo horraantii bishan waxay hawlgallo lagu qabqabtay in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah ka sameeyeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kuwaas oo qaarkood dib loogu soo celiyay Muqdisho, halka kuwo kalena ay weli ku xidhan-yihiin xabiyada Nairobi.
 
 
 
Berbera News.