Qoyska Marxuumaddii Godka Lagu Xabaalay Oo Ka Hadlay Gunaanadka Dacwadda Eedaynayaashii Loo Hayay Dilkaasi

Hargeysa (Berbera news)  Xoghayaha guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Marxuumadda Ruqiya Siciid Ayaanle oo laba Bilood ka hor ay Ciiddamada Boolisku Maykeedda ka heleen god lagu ridday ayaa ka hadlay gabo-gabadda dacwadda eedaynayaasha loo hayo dilka Marxuumaddaasi oo Maxkamadda lagu sugayo inay go’aan ka soo saarto Dacwadaasi.
 
 
Xoghayaha Golaha Wakiiladda oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa kale oo uu sheegay inay qoys ahaan bogaadinayaan Garooka kiisan gacanta ku haya.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Kiiskani waxa uu Maxkamada Gobolka Hargaysa u soo gudbay   ilaa imika muddo bil ah Maxkamada yaalay, waxaana laga dhagaystay Shan dhagaysi Waana Kiiskii ugu dheeraynayey Marka la barbar dhigo kiisaska noocan oo kale ah  ee dil ka ah,waxaana uu ahaa hawl xil aad u wanaagsan la iska saaray,waxaana uu kiisani lasoo gunaanaday khamiistii Dhawayd”
 
 
Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxa uu intaas ku daray “Guddoomiyaha Faysal oo aan runtii si aad ah ugu mahad naqayo waxa uu noogu dhawaaqay in Sabtida soo gaba-Gabayn doono kiiskan waxaana Sabtidii naga soo dhexe galay in la tukanayey Roob doonta uu Madaxwaynaha Somaliland uu iclaamiyey sidaas awgeed ayaa uu maalinta Sabtida diba uga dhacay”
 
 
Shacabka Somaliland ayaa sugaya go’aanka ay Maxkamaddu  ka soo saari-doonto  Kiisan, iyadda oo Dilka Marxuumadaasi-na uu raad weyn ku reebay quluubta Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.