Shirweynihii 3-aad Ee  KULMIYE Oo La Soo Gabo-gabeeyay, Hogaanka Xisbiga Oo Mar Kale Dib Loo Doortay Iyo Tiradda Golaha Dhexe Oo La Kordhiyay + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa goor-dhaweyd la soo gabo-gabeeyay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa oo uu shalay ka furmay.
 
Hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE ayaa shirkaasi lagu anixiyay kuwaas oo aanay cidi kula tartamin, waxaana Guddoomiyaha Xisbiga mar kale loo doortay Muuse Biixi Cabdi, iyadda oo aanay cidi kula tartamin, Guddoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf (Wabeeyo), Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye ku-xigeenka Afraad Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaciil Saylici, waxaana  sidoo kale Xoghayihii Xisbiga KULMIYE loo ansixiyay Xasan Siciid Yuusuf, kuwaas oo xilka hayn-doona muddo shan sanadood ah.

 
 Sidoo kale waxa lagu ansixiyay 116 Xubnood oo lagu daray Golaha Dhexe ee Xisbiga.
 
10 ka mid ah Xubnaha Golaha Dhexe lagu kordhiyay waxa codsaday Madaxweyne Siilaanyo.
 
Lix kalena waxa dalbday Madaxweyne ku-xigeenka .
 
1162 ergay oo lagu soo xulay nidaam beeleed ayaa ka qayb-galay shirka.
 
Siyaasiyiin ka tirsan Axsaabta Mucaaridka ayaa Shirweynahan saddexaad ee Xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid Ergooyinkiisa loo soo xulay nimadd Beeleed.
 










 
Berbera news/Hargeysa