Isuduwihii Caafimaadka Gobolka Saaxil Oo Isku Casilay  Fadeexadd Musu-maasuq Oo Uu Ku Kacay Madaxa MCH-ka Degmadda Mandheera  Iyo Cadaadis Kaga Yimid Wasiir Xaglo-toosiye

Berbera (Berbera news)  Isuduwihii Caafimaadka Gobolka Saaxil Cabdiraxiim Cabdilaahi Ducaale ayaa  is casilay, ka dib markii uu cadaadis kala kulmay Wasiirka Caafimaadka Somalilnd Saleebaan Ciise Aaxmed Kaar  (Xaglo-toosiye) oo ka dalbaday in uu shaqadda ku celiyo  Madixii MCH-ka Degmadda Mandheere Mahad Cabdillahi (Dacar)  ee Gobolka Saaxil  oo la sheegay inuu Musuq-maasuqay 45 Kartoon oo Saabuunta ay isticmaalaan Haweenka Umulaha ahi oo ay Hay’addauhu ku caawiyaan MCH-yadda Dalka oo uu u iib-geeyay Suuqa , kaas oo Isuduwuhu-na uu shaqadda ka joojiyay.
 
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye) uu Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Saaxil u soo jeediyay inuu shaqadda ku celiyo Xubintan fadeexaddaha Musuqmaasuq xilka looga qaaday oo ay walaalo-yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Marxoodi-jeex Faysal Cabdilaahi (Dhago-dhago).
 
 
Taliyaha qaybta Booliska Magaaladda Berbera ayaa isaguna sidoo kale bixiyay sidday ay wararku intaas ku darayaan  amarka xadhiga Taliyihii  Saldhiga Booliska Degmadda Mandheera iyo Madixii baadhista, kuwaaso oo Xubintan  Xabsiga u  taxaabay markii lagu soo eedaayay inuu Musuq-maasuqay Hantidda MCH Mandheera oo uu Masuuliyadeedda hayay.
 
 
Wasaaradda Caafimaadka iyo Isuduwahan isku casilay  Musuqa uu ku kacay Madaxa MCH-ka Degmadda Mandheera ayaan ilaa hadda ka hadal Fadeexdahan Musuq-maasuq ee uu ku kacay Masuulkani.
 
 
 
 
Berbera news/Berbera.