Kooxda Boko Xaraam oo xoog ku guursatay 200 oo hablo arday ay afduubeen

BBC-(Berberanews)-Labo toddobaad kaddib markii iskuul laga afduubay ku dhawaad 200 oo gabdhood dalka Nigeria, ilaa haatan dowladda lagama hayo war rasmi ah. Balse waxaa jiro warar sheegaya in la iibsaday oo guur lagu qasbay

Gabdhahan ayaa laga af-duubay iskuul ku yaalla gobolka woqooyi bari dalka Nigeria ee Borno.

Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo sheegaya in la arkay gabdhahaasi oo lagu daabulayo basas isla markaana loo sii wado xudduudaha dalalka deriska ah ee Cameroon iyo Chad.
Dhowr jeer la arkay

Xubin ka tirsan guddi ka kooban dad rayid ah oo loo xil saaray arrinta gabdhahani isla markaana la shaqaynaya boliiska iyo militeriga dalkaasi ayaa weriya ka tirsan BBC-da u sheegay in gabdhahaasi dhowr jeer la arkay.

Waxa uu sheegay in Islaamiyiintu ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada militeriga dalkaasi oo loo diray dhulka miyiga ah si ay u soo ogaadaan xerada lagu hayo gabdhahaasi.

Waxaa loo maleynayaa in gabdhahaas lagu hayo keynta Sambisa ee woqooyi bari dalkaasi Nigeria.

Goor sii horreysay ayaa nin odey-dhaqameed ah oo ka soo jeeda deegaanka uu ku yaalo iskuulka gabdhahani laga qafaashay ayaa BBC-da u sheegay in gabdhahaas qaarkood ay rag ku iibsadeen lacag dhan 15 doolar dalka Cameron, oo haatan ay raggaas xoog kula degan yihiin.

Dalka Nigeria waxaa la filayaa inay ka dhacaan dibedbaxyo dowladda loogu baaqayo in ay qaaddo tallaaboyin ay ku badbaadineyso 200-oo gabdood oo ay afduubeen kooxda Boko Xaraam.

Gabdahaan da’da yar ayaa laga afduubtay dugsigii ay dhiganayeen oo ku yaala tuulo ku taala waqoyi bari Nigeria laba toddobaad ka hor.

Dowladda Nigeria ayaa si weyn loogu eedeeyey in arintaasi aanay ka qaadin lallaabadi ku habbooneyd si loo soo badbaadiyo.

afduub

Guur lagu qasbay

Dibadbaxayaasha ayaa tegi doono dhismaha barlamaanka halkaasi oo ay u gudbin doonaan warqad ay ku dalbanayaan in xukuumadda ay ku dhaqaaqdo tallaabo lagu soo furanayo gabdhaha la qafaashay.

Kooxda Islmiga ee Boko Xaraam ayaa loo haystaa in ay afdubeen gabdhahaasi .

Wariyaha BBC-da ee Nigeria ayaa waxaa uu sheegayaa in waqooyiga bari ee Nigeria aanay joogin ciidan milateri oo ku filan, taas oo u suuragalisay kooxdaasi inay halkaas ka howlgalaan.

Mid ka mid ah odayaasha tuulada gabdhaha laga afduubay ayaa sheegay in gabdhahaasi guur lagu qasbay