“Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Wax Weyn Bay Dalkan U Soo Qabteen, Magac Iyo Sharaf-na Wey Ku Leeyihiin” G/ Xigeenka Golaha Wakiiladda

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamedd Faarax ayaa Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed ku tilmaamay Masuuliyiin magac iyo maamuus ku leh Somaliland, waxaanu tilmaamay inay mudan-yihiin sidda u sheegay in lagu Ixtiraamo halgankii ay u soo galeen Somaliland.
 
Baashe Maxamed Faarax oo maanta Wwarbaahinta kula hadlay Xarunta Baarlamaanka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Khubadd  Sanadeedkii Madaxweynuhu ka jeedin-lahaa Labadda Gole ee Baarlamaanka Somaliland, waxaanu sheegay in Goluhu hadda fasax ku jiro oo Sabtidda Todobaadka soo socdda uu  Fadhigii furmayo.
 
 
Waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Wax kasta halaga sheego Muddo badan-na  dib ha  u dhaco caadada KULMIYE ayaa sidaas ahaan jirtayoo ilaa intii uu Mucaariddka iyo Muxaafaddka ahaa waxa weeye dooda Xisbigu sidaas ayey u jirtay, shirkii burco waad ogaydeenoo sidaa uun-bay Dooduhu u jireenu,waayo dad badan oo kala duwan oo kala Afkaara ayaa ku jira laakiin waa lays qabqabtaa se kulmiye caado waxaa uu u leeyahay aakhirka in la isu tanaasulo” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda.
 
 
Baashe Maxamed Faarax, waxa uu intaas ku daray “Waxa weeye Raggan Hoggaanka Xisbiga ahi waa Rag Mujaahidiintii dalka ah weeye,waa Raggii Dhiigooda Dalkan u soo huray,iyagga oo Dhalinyara ah oo idinka idinka yar oo Ninkastaa uu darajo fiican u haysto oo Ninka la-yidhaahdo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, wax ka weyn bay dalkan u soo qabteen,Magac iyo sharafna waa ku leeyihiin Hadii hogaankii Xisbiga uun loo daayey dee in lagaga daba tago maaha”
 
 
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladdu waxa uu sheegay in Sabtidda Todobaadka soo socdda uu fadhigii Golaha Wakiiladdu uu furmayo, waxaanu yidhi  “Waxa weeye Golahu fasax baa uu ku jiray,  waxaana uu furmayaa maalita Sabtida, Guurtida lafteeduna waa nala mid Sabtidda ayay furmaysaa ,markaa Madaxweynaha ayaa laga sugayaa wakhtiga uu soo cayimo,Madaxweynaha waanu u tagaynaa waanan waydiinaynaa xiliga uu qabanaayo,ilaa hadana nalaguma wargalin Golahuna marka uu furmo ayuun baa dee la soo wargalinayaa”
 
 10898
 
Berbera News/Hargeysa.