Muwaadin Sacuudiyan ah oo loo heystay in uu Al Shabaab ka tirsan yahay oo Kenya ay sii deysay

kenya(berberanews) Dowladda Kenya ayaa sii deysay Muwaadin u dhashay dalka Sacuudi Arabia oo dhawaan loo qabtay tuhun ah in uu xidhiidh laleeyahay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
flag
Muwaadinkaan Sacuudiyaanka ah oo Magaciisa lagu sheegay Hanas ayaa Ciidamada Kenya ka qabteen Magaalada Mombassa 23 kii April 2014 xilligaas oo la sheegay in qaab dalxiis ah uu u yimid waddanka Kenya.
Safaaradda Sacuudiga  ee dalka Kenya ayaa hore u beenisay in wax xidhiidh ah uu Ninkaan laleeyahay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya uuna yahay arday qaab dalxiis u yimid waddanka Kenya.
Sii deynta Hanas kadib ayaa dowladda Sacuudigu sheegtay in si deg deg ah ay uga saareyso dalka Kenya iyadoo la raacayo Heshiiska Dowladda Kenya iyo Sacuudigu ay gaadheen kadib sii deyntiisa.
 
 
Berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland