Qaramada Midowbay oo Xayiraadii iibinta dheemanka Ka qaaday Dalka Ivroy Coast

UN (berberanews) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka qaadey xayiraaddii dhoofinta dheemanka ee Ivory Coast, isla markaana khafiifiyey cunaqabateyntii dhanka hubka ee dalkaasi saarnaa.
show_image_trnsFeaturedRight (1)
Golaha ayaa maanta meel mariyey qaraar uu ku qaadayo xayiraadda dheemanka oo waddankaasi lagu soo rogey sannadkii 2005, markii uu qarxey dagaalkii sokeeye.
 
Tallaabadan ayaa sidoo kale waxaa lagu khafiifiyey cunaqabateyntii hubka, taas oo suuragelineysa in ciidamada ammaanka ee Ivory Coast ay heli karaan hubka fudud.
 
Danjiraha Ivory Coast ee Qaramada Midoobay Youssoufou Bamba ayaa soo dhoweeyey qaraarkan.
 
 
Berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland