Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda

 Human Rights Center
                                                
Headquarters: Hargeisa Somaliland Tel: 4008357
 30th April 2014                                                                                                             5/2014
War-saxaafadeed
Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda
 Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo tafatiraha wargayska xayiran ee Haatuf. Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu sheegay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danbaysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014.  
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.
 Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.
 Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.
Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:
In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerka Saxaafadda
In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf
Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka
  Contact
Human Rights Center
Hargeisa Somaliland
www.hrcsomaliland.org
Ms Mulaho Mohamed Ali
Email: mulmohamed@hotmail.com