Gerry Adams Hogaamiyihii kooxdii IRA oo loo xidhay dil dhacay 1972

Ireland (berberanews) Booliiska Waqooyiga Ireland ayaa xabsiga dhigay Gerry Adams oo hore uga soo mid ahaan jiray hogaamiyayaasha IRA hadana ah Madaxweynaha xisbiga Sinn Fein.
Gerry-Adams-001
Hogaamiyahan ayaa loo xidhay baadhitaan uu booliiska ku wado dil loo geystay haweenay lagu magacaabo Jean McConville oo sanadkii 1972 la dilay. Haweenaydaasi oo ahayd hooyo dhashay 10 caruur ah.
 
Gerry Adams oo imika ah 65 jir ayey xidheen saraakiisha baadhitaanka kuwada afduubka iyo dilka haweenaydaasi la dilay 1972, dilkaasi oo ahaa mid si weyn ay u xasuustaan shacabka ku dhaqan Waqooyiga Ireland.
 
Kooxda IRA ayaa lagu eedeeyaa inay afduubeen oo ay dileen haweenayda Jean McConville oo ay ku eedeeyeen inay ahayd qof u basaasi jiray dowlada Ingiriiska, xiligii dagaalka u dhaxeeyey kooxda IRA iyo ciidamada dowlada UK.
 
Gerry Adams oo ka mid ahaan jiray madaxda kooxda IRA ayaa ahaa hore usoo noqday afhayeenka IRA ee ka qeyb qaatay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii ka socday waqooyiga Ireland.
 
Gerry Adams ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa afduubka iyo dilka haweenaydan wuxuuna sheegay inuu la shaqeyn doono saraakiisha baadhitaanka dilkan wada.
 
 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland