Maamulka Puntland Oo Sheegay In Aanu Jirin Wadda-haddal Itoobiya Ku Dhex-maray Xukuumadda Somaliland   

Garoowe (Berbera news) Wasiirka waxbarashada Maamulka Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas u raacey dalka Itoobiya markii lagu casumey shirkii Tana Forum oo la hadlay warbaahinta gudaha  beeniyay in aanu Madaxweyne Gaas  wax kulan ah la yeelan Waftigii Wasiiradda ahaa ee ka socday Dawladda Somaliland.
 
 
Cali Xaaji ayaa sheega in aan wax wada-hadal ahi aanu dhex-marin Xukuumadda Somaliland Wasiiradda ka socday  Maamulka Puntland
 
“Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase oggi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland.” Ayuu yidhi Cali Xaaji
 
Wasiirka ayaa sheegay in hadii uu dhacayo wada-hadal  dhexmaraya Puntland iyo Somaliland uu noqon lahaa wax la isla ogyahay oo laga soo wada-tashaday, waxaanu xusay  in aanay  shirka u tegin in ay la kulmaan dhinacyo siyaasadeed.
 
 
Halkan ka dhagayso Codka Wasiirka u hadlay Puntland.
 
 CODKA CALI XAAJI WARSAME.
 
 
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa  mar uu Warbaahinta la hadlay waxay uu sheegay in Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha guddaha Cali Maxamed  Waran-cadde ay kulan  Itoobiya kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas.
 
 

 
 
Berbera news/Hargeysa.