Maxaa ku cusub Hargeysa iyo Hotel Royal Lounge

Hargeysa-(Berberanews)-Ganacsigu waxa uu laf-dhabar u yahay hormarka dhaqaalaha dalka iyo dadka ku nool waxaana la rumasyan yahay dalwaliba dalka uu ka Ganacsi-badanyahay inuu hormarkiisu ka sareeyo taas oo laga dheehan karayo muuqaalka bulshadaasi leedahay oo ka tarjumaya hadba inta uu hoos u qodan yahay dhumucda dhaqaale oo uu saldhig u yahay ganacsiga xorta ahi.
Rooyal Lounge Resourant waa Hotel laga cunteeyo oo u samaysan hab-casriya oo ku cusub dalka waxaana dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay dadweynaha reer Hargeysa ku naaloonayeen cuntooyinka kala duwan ee aragga iyo Oontaba u roon gaar ahaan cashada habeenkii ayaa maanta si rasmiya looga furay qaybtii cuntada ee qadada oo hadda wixii ka dambeeya ay dadku si joogto ah uga helidoonaan qado ka kooban cuntooyin kaladuwan oo ay karinayaan khubaro ku takhasustay karinta cuntooyinka kaladuwan ee sida casriga ah loo sameeyo.
Qaybaha kaladuwan ee cuntada laga helayo Royal Lounge waxaa kamida Kaluunka,Baastada,Bariiska,Canjeero-xabashida oo ay karinayaan kariya-yaal u dhashay Itoobiya oo aad uyaqaana,khudaarta noocyadeeda kaladuwan oo lagu dhexkarinayo Kaluunka,Hilibka.Digaagaa waxaa kale oo intaa kuu dheer oo aad Royal Lounge ka helidoontaa cuntooyinka waddaniga ah sida Digirta,Galeyda,Shuurada,Garawga oo laguugu darayo Macsar iyo Subagg iyo caano hadba kii aad rabto kuwaas oo si gaara u raali galinaya dadka xiiseeya cuntada waddaniga ah ee aan dibadaha laga soo dhoofin.
Maamulka sare ee Hotelka Royal Lounge ayaa qado shafareed balaadhan u sameeyey dadweyne farabadan oo iskaga kala yimid qaybaha kaladuwan ee bulshada xaafadaha magaalada Hargeysa waxaana munaasibadda qado-sharafeedkaasi oo si rasmiya loogu daahfurayey qaybta qadada ee Hotelka Riyal Lounge ka soo qaybgalay siyaasiyiin caan ah,xubno horey wasiirro uga soo nocday Somaliland,Ganacsato ka socday shirkadaha isgaadhsiinta gaar Gudoomiyaha shirkadda Somtel Jaamac Xaaji Maxamuud,maamulaha Hotelka Crown Cismaan Cabdillaahi Cigaal [Cismaan Hindi] Maxamuud Cabdillaahi Sifir oo ah wakiilka Somaliland ee Nairobi,saraashiisha ka hawlgasha xarumaha hay’adaha dalka ka shaqeeya ee qaramada midoobay,qurbo-joogg farabadan oo l aarkayey iyaga oo gacmahajiidanaya caruuradhooda ay kala soo xagaa bexeen wadamadii ay ku noolaayeen ee dalka dibadiisa kuwaas oo aad uga mabsuuday cuntooyinka kaladuwan ee Hotelka Royal Lounge iyo dhalinyaro farabadan daka hirey u sii joogay.


Munaasibadda qado-sharafeedan oo aan loogu talo galin in laga jeediyo hadal iyo khudbado toona marti sharaftii lagu soo casuumay munaasibadda daah-furka qadada Hotelka Royal Lounge waxaa si weyn u soo jiitay hab-maamuuskii wacnaa ee maamulka Hotelka Royal Lounge ku soo dhaweeyey dadweynihii madasha ka soo xaadiray iyo qaybihii kaladuwanaa ee cuntooyinkii tayada iyo tiradaba lahaa ee lagu milgo-sooray “wallaahi anigu waxaaban aad uga mabsuuday inta nooc ee loo sameeyey cuntadan oo aanan is lahayn Hargeysaa lagu sameeyaa” sidaa waxaa yidhi mid kamida dadkii lacasuumay oo dareenkiisa ku cabiray eraydaasi.
“waar Hargeysa way-ilbaxda kolba haday maanta Hotel-ladeenii cuntooyinka noocan oo kale ah inoo karinayaan”sidaa waxaa isaguna ku cabiray dareenkii farxadda lahaa ee qadada ka dib gancsade Aadan Muuse Sheekh Cabdillaahi oo ah maareeyaha guud ee Shirkada Personal Computer center [PCC] “maanta wixii ka dambeeya dadka reer Hargeysa waa inay cuntada u soo doontaan Royal Lounge marba haday cuntooyinka noocan ah inoo hayaan” sidaa waxaa isaguna yidhi Cimaan Cabdillaahi Cigaal oo ah maamulaha Hotelka Crown oo kamid ahaa Ganacsatadii ka soo qaybgashay munasibaddii qado sharafeedkaasi.
“waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa maamulka Hotelka Royal Lounge sidii wacnayd ee ay noo soo dhaweeyeen iyo cuntooyinkii kaladuwanaa ee casriga ahaa ee ay nagu maamuuseen waanay mahadsan yihiin” waxaa isagana erayadaa laga sii maqlayey sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Hass Petroleum Mr Cabdi Cabdillaahi markii uu albaabka ka sii baxayey isaga oo la Hadlayey Ms Sagal Colaad oo ah maamulaha Hotelka Royal Lounge “maashaa allaah aad iyo aad baan uga helay cuntooyinka kaladuwan ee Royal Lounge Restaurant waxaanan rajaynaa inaan hadda ka dib xiliyo kaladuwan ku soo laaban doono” sidaa waxaa yidhi maareeyaha Macradka gawaadhida lagu Iibiyo ee GARAS MATORS Mr Kayse Aadan Garas oo hogaaminayey raxan kamida shaqaalaha Macdarka Garas Mators oo kamid ahaa Ganacsatadii lagu soo casuumay munaasibaddaasi.
Ugu dambeyntii dadaweynaha reer Hargeysa iyo nawaaxigeeda waxa uu maamulka Hotelka Royal Lounge ugu bushaaraynayaa inuu xiligan diyaar ula yahay cuntooyin kaladuwan oo dha-dhan leh iyo cabtiinka qaybihiisa kaladuwan.Hotelka cuntada ee Royal Lounge hadii aan kuu tilmaamo waxa uu ku yaalla xaafadda Jigjigayar waxaanu dhinac waqooyi-bari ka xigaa Hotelka Maan-soor waxaanu ku dhegan yahay Xarunta Caafimaadka ee Qudus Hopital ama Jaamacadda Hope University waxaanu saaranyahay jidka weyn ee laamiga ah.Ciiwaanada aad kala xidhiidhi karto Hotelka cuntada ee Royal Lounge ee magaalada Hargeysa.sidoo kalena Royal Lounge waxa uu dadwweyna ka soo xagaabaxaya dalka dibadiisa ee dalkooda hooyo dib ugu soo laabanaya u diyaariyey cuntooyin wacan iyada oo ay kuugu diyaar yihiin halkaasi shaqaale nadiif ah oo dhan-walba ka dhisan gaar ahaan soo dhaweynta iyo marxabaysiinta macaamiisha soo booqanaysa Hotelka Royal Lounge ee magaalada Hargeysa.Royal Lounge waxa uu furan yahay 6:00 subaxnimo ilaa iyo 2 habeenimo ee horey u soo gaadh.
Tel:252-63-4876666/
Email:Sagalidle26@hotmail.co.uk