Mudaharaadd Rarbashaddo Wata Oo  Sababay Khasaare Iskugu Jira Dhimasho  Iyo Dhaawac  Oo Ka  Dhacay Wajaale

 Hargeysa (Berbera news) Wararka laga helayo Degmadda Wajaale ee xuduudka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa maanta ka dhacay Muddaharaad wata rabashaddo, waxaana inta la og-yahay ku geeriyooday hal qof la sheegay inuu Macalin ahaa, halka tiro kale oo Dad ahina ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen.
 
Muddaharaadkan ayaa wararku intaas ku darayaan inuu ka dhashay, tageero ay dadku ku dhaqan Magaaladaasi  umujinayen Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog-Wajaale Qowrax Muuse Xuseen oo ku xidhan saldhiga Booliska ee wajaale,
 
Dadweynaha Wajaale ayaa mudooyinkan ka cabanayay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo la sheegay in uu amaro adag ku soo rogay Bulshadda dadkadanyarta ah iyo guud ahan magaladda isagoo u adeegsadey Taliska Qeybta Booliska Gobolka Gabiley.
 
 
 
Berbera news/ Hargeysa