“Reer KULMIYE  Waxaan U Sheegayaa Loolanka,  KULMIYE Wuu Dhamaaday …….” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muse Biixi Cabdi ayaa sheegay in loolankii Siyaasadeed ee ka dhex-taagnaa Xisbiga dhexdiisa uu dhaamadday, waxaanu xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo ka jira Xisbiga dhexdiisa.
 
Guddoomiye Muuse Biixi oo maanta ka hadlay Munaasibadd Qaddo Sharaf ah oo uu Duqa Caasimada Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) u sameeyay Hoggaanka cusub ee KULMIYE.
 
 
Waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Maayarka,Maayar ku-xigeenka Xubnaha Golaha Deeggaanka ee Hargeysa  aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa Casuumada wanaagsan ee ay waliba uga soo horeeyeen,halkaa waxaa ka muuqata in Golaha Deeggaanku ay yihiin qolo aad iyo aad u karti badan oo hawshaa dhakhso u fuliya sidaa aad noogu soo dagdagteen ayaan filayaa in aad hawshaa hargeysana aad ugu dagdagi doontaan oo uwanaajin doontaan akhyaartan halkan ka soo qayb gashay oo dhana waan u mahad naqayaa”.   Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
 
 
 “Shirweynihii KULMIYE Xubnihii  naga codeeyey iyo kuwii noo Codeeyey-ba waanu u mahad naqayaa,reer KULMIYE-na waxaan u sheegayaa loolanka Xisbiga KULMIYE waa uu dhamaaday ciyaartii waa aynu ka baxnay in KULMIYE layidhaahdo ayuun baynu imika nahay waxa ALLE  iyo wax dhexdee-na yaalana ma jiraan hadii codka lagu kala reeyeyna waa Dimuqraaddiyadda aad iyo aad baanu idiin soo dhaweynaynaa”
 
 
10932
Berbera News/Hargeysa.