Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka oo Itoobiya soo gaadhay lana kulmaya Xassan Shiikh

Ethoipia (berberanews) Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa xalay soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Itoobiya, Ugandha iyo Kenya.
 johnkerr-010514
Kulamadan ayaa looga hadli doonaa xaalada dagaalada ka socda wadanka Sudaanta koonfureed sidii loo xakameyn lahaa.
 
John Kerry ayaa booqasho ku maraya dalal kamid ah Qaarada Afrika waxaana lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana jira warar sheegaya in Kerry laga yaabo inuu booqdo magaalada Muqdisho.
 
Kerry iyo Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan dadaalada looga soo horjeeda kooxda Al shabaab oo ay dowlada Maraykanka gacanta kasiiso xukuumada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
 
Kerry ayaa sidoo kale madaxda Midowga Afrika kala hadli doona xiisada iyo colaada ka jirta wadanka Afrikada Dhexe.
 
Safarkan ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayo mashaariicda horumarinta, xasiloonida iyo waliba horumarka qaarada ka jira ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday Xafiiska John Kerry.
 
 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland