Madaxweyne Silaanyo oo Magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sammeeyay Guddoomiyayaal Gobol

 War-saxaafadeed:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;
 
Markuu La Tashaday:       Madaxda ay hawshani khusayso;
 
Markuu Arkay:                     In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 

  1. In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.