Weji Gabax Diblamaasiyadeed Oo Xukuumadda Kala Kullantay Wada Hadallo Ay Sheegeen In Ay La Galeen Puntland Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Siyaasadda Arrimaha Dibadda  

Hargeysa (Berbera news)  Xukuumadda Somaliland, ayaa todobaadyadii u dambeeyey la kulantay weji gabax dublamaasiyadeed, ka dib markii la beeniyey wada hadalo ay Warbaahinta u sheegeen Wasiirro iyo Mudaneyaal ka tirsan Barlamaanka Somaliland in la geleen Maamul Goboleedka Puntland iyo Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh.
 
Weji gabaxan Dublamaasiyadeed, ayaa yimid ka dib markii Maamulka Puntland iyo Siyaasiga falaagoobay ee Cali Khaliif sheegeen in aanay waxba ka jirin wada hadalada ay Somaliland sheegtay in ay la yeelatay.
 
 
Wasiirka Waxbarashada ee Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia oo ka mid ahaa Weftigii la socday Madaxweynaha Maamulkaasi, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wada hadal  dhex maray Somaliland iyo Maamulka Puntland, balse ay is arkeen Wasiirro ka tirsan Xukummadda Somaliland, taasoo uu sheegay in aanu is aragu ahayn wada hadal.
 
 
Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cali Xaaji Warsame oo u warramayey Warbaahinta Maamulkaasi, ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland oo sheegayey in ay wada hadal yeesheen mid ka fog dublamaasiyada, waxaanu yidhi  “Wakhtiga la fadhiyo ama shah la cabayo, waa la is arkayaa oo waa la isla salaamayaa, waayo dad Somali ah, ayaa la wada yahay. Waxa kulan ah oo rasmi ah oo dhex maray   Somaliland iyo Puntland ma ogi. Umana malaynayo in wax rasmi ah loo wada hadlay inuu yahay, waayo Puntland waa dawladda weeye, Madaxweynuhu Wasiir lama kulmi karo, waxana lama gaadhi karo. Puntland Barlamaan ayey leedahay, Wasiirro ayey leedahay wixii wada hadal ahi waa wax laga soo wada hadlay oo la isla ogyahay. Annagu (Puntland) Shirka Addis Ababa umaanu tegin in aanu cid gaar ah kula kulmo, balse Shirkaas ayaa lanagu casuumay.”
 
 
Wasiirkan Puntland u hadlay, waxa uu ka dhawaajiyey in mar wada hadalo dhex maraan laba dhinaca in laga soo saaro qodobo lagu raaco, waxaanu yidhi  “Waanu is aragnay, oo waanu wada fadhiisanay, laakiin Waxaan aad ula yaabay,  Adduunka marka laba dhinaca wada Shiraan, haddii ay Shireena qodobadaas ayey ka wada hadleen, waxay ku heshiiyeen qodobadaas, kuwaasna way ku heshiin waayeen ayaa la yidhaahdaa, laakiin waxa ay ila tahay sida loo dhigay arrintaasi in ay tahay mid ka fog dublamaasiyada, waa la is arkayey waa la wada qadaynayey madaxweynaha haddii ay arkeen sidaas ayey ahayd, laakiin wax shir oo rasmi ah mana dhex marin”
 
 
 
Sidoo kale, waxa hore u beeniyey inuu Somaliland Wada hadal kula jiro Siyaasiga Cali Khaliif oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somalia, isla markaana ka mid ah raga ka dambeeya Kooxda la baxday Khaatumo.
 
 
Hadalada ka soo yeedhay Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia iyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa weji gabax Dublamaasiyadeed ku noqonaya Somaliland, ka dib markii Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay sheegeen in ay yeesheen  Wada hadalo Madaxda MAamulka Puntland, isla markaana ay wada hadalo u socdaan Siyaasiga Cali Khaliif.
 
 
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in ay Addis Ababa kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Puntland, isla markaana ay ka wada hadleen Arrimaha Xuduudda Somaliland iyo Gobollada Bariga.
 
 
Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo warbaahinta la hadlay markii uu ka soo laabtay Addis ababa todobaadkan, ayaa yidhi “Wuxuu ahaa wada hadal aan ku falanqeynay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan aad uga wada hadalnay in Wax walba aanu wada hadal ku xalino,  Somaliland waxay aaminsan tahay wada hadalka,  marnaba colaad ma soo dhaweyneyno, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland  waan u sheegnay in Somaliland xuduudaheeda aanay aysan ahayn kuwo lagu xadgudbi karo waxaana rajeyneynaa inuu dhammaado Khilaafkaasi”.
 
 
Sidoo kale, Wasiirka Biyaha ee Somaliland Xuseen Axmed Cabdule, ayaa sheegay laba todobaad ka hor in Xukuumadda Somaliland wada hadal la furtay Cali Khaliif Galaydh, Wasiirkan oo u waramayey Telefishanka Qaranka, waxa uu yidhi Cali Khaliif waa nin wayn oo siyaasi ah waana nin reer Somaliland ah,Somaliland saaxiibo badan ayuu  ku leeyahay dad badan oo ay soo wada shaqeeyeena maanta Xilal ayay ka hayaan Xukuumada ,waananu soo dhaweynaynaa wada hadalkaasi,  Xukuumadu way soo dhawaynaysaa cid kasta oo Somaliland dan u ah dhibna malah haddii la wada hadlo oo la hishiiyo”
 
Wasiirku waxa uu intasi ku daray oo yidhi, “Wada-hadalka ay xukuumadu la furtay Cali Khaliif waa mid furan oo aanay wax dhib ahi  ku jirin,dadkuna inta badan isku mawqif ma noqon karaan aragtiyo kala duwan ayaa la kala aaminsanaan karaa,waanan soo dhaweynayaa wada-hadalka Cali Khaliif Galaydh”
 
 
Hadaladan ka baxay Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ee isla markiiba la beeniyey, ayaa noqonaya weji gabax Siyaasadeed oo soo gaadhay Xukuumadda Somaliland, taas oo saamayn taban ku yeelan karta Geedi socodka Siyaasadda Arrimaha Dibeda Mustaqbalka, iyada oo hadaladan deg deg ka muuqdo Somaliland ka dhawaajisay ay wax yeeli karaan mustawaha Siyaasadeed Qaranka, iyada oo ay tahay in hadalada Masuuliyiinta Siyaasadu bixinayaan ama dadka u sheegayaan ay yihiin kuwo la hufay inta aan bulshada iyo warbaahinta loo sheegin.
 
waran-cade1
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.
 
Xigasho Wargeyska Saxan-saxo