Badhasaabkii Gobolka Saaxil oo loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga

War-saxaafadeed:“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2453/052014

Ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:              Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:      In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:         Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:             In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.