Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka Oo Laga Xusay Dalka + Sawiro

Hargeysa (Berbera news) Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta si balaadhan u xusay maalinta xoriyatul qawlka saxaafadda aduunka oo sanad kasta la xuso bisha May 3-deeda.   Munaasibadan loogu dabaaldegayey maalinta saxaafadda aduunka ayaa waxa ka soo qaybgallay xisbiyada mucaaradka, xisbiga muxaafadka ah ee kulmiye, wasiirka Warfaafinta, wariyeyaal, ururadda xuquuqul insaanka  iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha ururka Saxaafadda SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa wariyeyaasha kula dardaarmay in aanay noqon weel ninkii danayste ahi wax ku rido, balse ay ka shaqeeyaan arrimaha bulshadda iyo baahiyaha dadku qabaan. Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa iyaguna xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay inay cabudhinayso xoriyatul qawlka, isla markaana ugu baaqay inay degdeg usii daysay labadda wargeysa ee Hubaal iyo Haatuf ee xafiisyadoodda la xidhay.   “Iminka waxaan ka imi Dibada(Yurub) meeshaanu istaagnaba waxaanu kaga hadlaynay qaddiyada Somaliland,Su’aalihii ugu badnaa ee nala waydiinaayay waxaa ka mid ahaa maxaa loo xidhay Hubaal iyo Haatuf dawlada Siilaanyo meel xunbay wax marinaysaa,Xuquuqal iinsaankii dalkuna wuu arbushan yahay muwaadiinka maanta waxaa xidhi kara Askariga,Wasiirka ninkii doonaa xidhi kara cid is waydiinaysaana ma jirto”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore u ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga KULMIYE, balse hadda ku hadlayey afka madasha wadatashiga.   “KULMIYE waxyaabo badan ayuu xariif ku ahaa Siilaanyo saxaafaddii wuu ku guuray ,baarlamaankii wuu ku guuray intaaba immika wuu ka dul talaabsadoo wuxuu yidhi idiinma baahnin Saxaafaddii imika waxaa laga ilaalinayaa in ay wax sheegto, ina Riyaale waxaanu odhan jirin wuxuu ahaa Nabad-sugidii  Saxaafaddu xidh-xidhaa Riyaale intuu uu xilka hayey wuxuu xidhay 17 Suxufi, labadii Sannadood ee ugu horeeyay Siilaanyo wuxuu xidhay 58 Suxufi”ayuu raaciyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Guddoomiye ku xigeenka xisbiga taladda haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna ka difaacay eedeentii xisbiyada mucaaradku u jeediyeen xukuumadda, isla markaana sheegay in laga wada hawlgallo sidii loo siideyn lahaa wargeysyada xidhan. Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelin Somaliland Cabdilaahi Maxamed Cabdilaahi Cukuse, ayaa sheegay in aan munaasibada laga dhigin madal la isku weerero balse laga dhigo xaflad lagu taageero warbaahinta, isla markaana wax loogu qabto, isagoo balanqaaday inuu wax badan ka qaban doono hawlaha warbaahinta.   Xuskan Maalinta Xoriyadda Saxaafadda ayaa ku soo beegmaya, iyadda oo Xukuumada Madaxweyne  ay Xayiradd saartay Wargeysyadda HAATUF iyo HUBAAL, kuwaas oo ilaa hadda Ciiddamo Boolis ah gaadh ka hayaan, isla-markaana si buuxdda ula wareegay Xarumahaasi.
 








Berbera news/Hargeysa.