Madaxweyne Silaanyo oo xilka ka qaaday Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada

War-saxaafadeed:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,JSL/M/XERM/249-2454/052014 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.