Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu  Kicitimay Degmadda  Wajaale

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa maanta safar ugu kicitimay Degmadda Wajaale ee Xuduudka isku xidha Somaliland iyo Itoobaiya, halkaas oo la filayo inuu xadhga kaga jaro Waddadda isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale oo dhawaan la hir-geliyay dhismaheeda,.
 
 
Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa lala xidhiidhinayaa sidii uu dadweynaha Reer Wajaale ula soo hadli lahaa, maadaama dhawr jeer mudaharaado rabshado wata oo dhimasho keenay ka dhaceen  halkaasi.
 
Olole balaadhan oo loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Gobolka Gabilay, waxaanay booqashada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo hagaagaysaa laba maalmood kadib markii uu Gobolka u magacaabay Badhasaab cusub, Taliyihii Ciidanka ilaalada Madaxtooyadiisana Xilkii ka qaaday.
 
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Abiib Diiriye Nuur oo ka hadlay shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca keentay dhawaan ee ka dhacday wajaale ayaa sheegay in khasaaraha halkaas ka dhashay Xukuumaddu Tunka ku qaadatay.
 

 
Berbera news/Hargeysa